Heshiis laga gaaray qalalaasihii Muqdisho ka dhacay

Heshiis ka kooban 10 qodob ayaa laga soo saaray shirkii galabtay ku dhexmaray magaalada Muqdisho guddigii farsamada ee uu RW Rooble magacaabay ayna goob joog ka ahaayeen mas'uuliyiin kala duwan.

Warar Keydmedia Online
Heshiis laga gaaray qalalaasihii Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir ay isugu yimaadeen guddigii farsamada ee katala bixinayay qalalaasihii ka dhashay muddo kororsiga, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Midowga musharaxiinta ayaa wuxuu ka dhacay guriga madaxweyne Qoorqoor uu ka daggan yahay magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka akhriso qodobada heshiiska lagu gaaray magaalada Muqdisho ee lagu soo afmeerayay qalalaasihii ka dhashay mudo kororsigii Farmaajo.

  1. In dhamaan Ciidamadii ku yimid xiisadaha ka dhacay magaalada Muqdisho dib loogu celiyo goobihii ay ka yimaadeen loogana saaro magaalada muddo 48 saac ah oo ka bilaabanaysa 05-05-2021.
  2. In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas.
  3. In si gooni ah loo xaliyo Saraakiisha leh duruufaha gaarka ah, sida: Darajooyinka, Mushaaraadka iyo Xuquuqda kale ee Ciidan.
  4. In kalsooni laga dhex abuuro hay’adaha amniga iyo siyaasiyiinta qaba tabashooyinka amni.
  5. In Ra’iisul Wasaarahu soo saaro wareegto uu ku farayo taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida.
    A. In aysan ku milmin arrimaha Siyaasadda.
    B. In aysan bixin ammarro ay ka dhalan karto khalkhal amni iyo mid siyaasadeed.
  6. In la magacaabo guddi khubaro Ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka.
  7. In aan Ciidamada Qalabka sida loo adeegsan arrimo siyaasadeed, faragalinna lagu samayn.
  8. In dhamaan dhinacyadu ay joojiyaan ficilada iyo hadalada abuuri kara colaad iyo nacayb.
  9. In lasoo celiyo gaadiidka iyo hubka gaarka loo leeyahay ee lagu kala qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho lana soo daayo dadkii loo xiray.
  10. Fulinta qodobadaan waxaa masuul ka ah Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadiisa.

Toban kan qodob ayaa laga soo saaray shirkii galabtay dhex maray guddigii loo xil saaray ka tala bixinta khalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho toddobaadkii ina dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.