Guudlaawe oo soo saaray liiska Musharaxiinta Aqalka sare

Xubnaha ku jira liiska uu soo saaray Cali Guudlaawe ayaa ka duwan maamullada kale, kuraasta qaar kamid ah waxaa ku tartamaya in ka badan shan musharax.

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe oo soo saaray liiska Musharaxiinta Aqalka sare

JOWHAR, Soomaaliya- Liiska musharaxiinta ku tartamaya sideed kursi oo maamulka Hir-Shabeelle ku matalaya Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayuu soo saaray Cali Gudlaawe Xuseen, madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Xubnaha ku jira liiska uu soo saaray Cali Guudlaawe ayaa ka duwan maamullada kale, kuraasta qaar kamid ah waxaa ku tartamaya in ka badan shan musharax.

Tartanka ugu adag musharaxiintan ka soo jeeda Hir-Shabeelle, wuxuu u dhaxeeyaa Muuse Suudi Yalaxow, Abdullahi Shiikh Xasan, Axmed Daaci iyo Muxudiin Xasan Afrax.

Cali Guudlaawe  ayaa u muuqda in uu ka dhabeeyay hadal uu dhawaan sheegay oo ahaa in uusan shaqsi u xiri doonin kuraasta Aqalka sare, dhammaan xubnihii loo saadaalinayay kuraasta ayaana kusoo baxay, kuwaas oo kasoo muuqday xukuumado badan oo midda hadda ku-meelgaarka ah ay kamid tahay.

Halkan hoose ka daalaco dhammaan liiska musharaxiinta Aqalka sare ku matali doona Hir-Shabeelle.

 

KEYDMEDIA ONLINE.

Commenting is not available in this channel entry.