HirShabeelle: Musharaxiin la diiwaan geliyay

Musharixiinta is-diiwaangeliyay ayaa la filayaa inay Maalinta berri ah jeediyaan khudbadaha ay kusoo bandhigayaan barnaamijkooda siyaasadeed.

Warar Keydmedia Online
HirShabeelle: Musharaxiin la diiwaan geliyay

JOWHAR, Soomaaliya - Waxaa lagu diiwaan-geliyay Maanta magaaladda Jowhar lix musharax oo u taagan qabashadda xilalka gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa, kuwaasoo la siiyay shahaadooyinka Musharaxnimada.

Musharaxiintan oo dhamaantood ah Xildhibaanno ayaa waxay berri jeedin doonaan khudbadahooda musharaxnimo, oo ay kusoo bandhigi doonaan barnaamijkooda siyasadeed, iyagoo kadibna gali doono maalinta xigta doorashadda.

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) waxay u tartamayaan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Saadaq Salaad Warsame iyo Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamayaan Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad ee HirShabeelle.

Sidoo kale, waxaa jira labo musharax oo xilka gudoomiye ku-xigeenka 2aad ay u tartamayaan labo musharax oo kala ah Mahad Xassan Cusmaan Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartameysa, sida uu sheegay gudiga.

Arbacadda soo aadan ayuu Baarlamaanka HirShabeelle dooran doonaa gudoonkiisa rasmiga ah, waxaana kadib la guda-gali doonaa doorashadda xilka Madaxweynaha oo ah mida ugu adag, oo ka jiro tartan u dhaxeeya DF iyo Mucaaradka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.