Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay Isbahaysi

Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland Wadani iyo Ucid ayaa ku dhawaaqay isbahaysi cusub oo ay sameysteen kaddib guulihii ay ka gaareen doorashooyinkii golayaasha degaanka iyo wakiilada.

Warar Keydmedia Online
Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay Isbahaysi

HARGEYSA, Soomaaliya - Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa ku dhawaaqay isbahaysi ay ku hananayaan hoggaaminta  Golaha Wakiillada iyo maayarrada magaalooyinka dalka.

Labada Xisbi ayaa haysta aqlabiyadda xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaannada magaalooyinka waaweyn ee muhiimka ah.

Xisbiyada mucaaradka ayaa helay 52 kursi halka xisbiga talada haya ee Kulmiye uu isna helay 30 kursi taasoo ka dhigan in aqlabiyadda kuraasta ay heleen xisbiyada mucaaradka.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada iyo Maayarada labada magaalo ee ugu weyn Somaliland ee kala ah Hargeysa iyo Berbera ayaa ka imaan doona xisbiyada Mucaaradka haddii ay ku heshiiyaan.

Halkan hoose ka akhriso magacaabidda xubnaha ay wadajirka usoo saareen labada xisbi ee mucaaradka:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.