Howlgal lagu soo xir-xiray dhallinyaro Al-Shabaab ka tirsan

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay wiilal dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyay Shabaabnimo kuwaasoo lagu soo qabqabtay gobolka Shabeelaha Hoose

Warar Keydmedia Online
Howlgal lagu soo xir-xiray dhallinyaro Al-Shabaab ka tirsan

SHABEELAHA HOOSE, Soomaaliya - Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in lix dhallinyaro ah oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay ku qabteen hawlgalka oo laga fuliyay Gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamadu waxay sheegteen in ay gubeen xarumo ay Al-Shabaab u isticmaali jireen xabsiyo halkaasna laga sii daayay maxaabiis badan, waxaana deegaanka la weeraray aan si rasmi ah magaciisa loo sheegin lagu soo koobay saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeelaha Hoose

Hawlgalka waxa sidoo kale Al-Shabaab looga furtay hubka fudud oo u badan qoryaha AK47 iyo rasaas sida laga soo xigtay saraakiisha Ciidamada dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.