Howlgallo ka socda Muqdisho iyo Dad la qab qabtay

Muqdisho(KON)-Ciidmada AMISOm iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saaka baaritaano Dad lagu qab qabtay ka wada Wadada Sodonka Ee Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Howlgallo ka socda Muqdisho iyo Dad la qab qabtay

Dadka ku nool Xaafadaha Baar Ubax iyo Balaagsii ayaa Saaka Salaadii Subax ku soo toosay Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo Baaritaano ka wada Dagmooyinka Hodan iyo Holwadaag.

Ciidamada ayaa Baaraya Guryaha ,ayagoona Raga kala soo baxaya,waxaana Dadkii Howlagalkaasi lagu soo qabtay la iskugu keenay Iskooyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ku sugan Xaafada Baar ubax ayaa Keydmedia online  u sheegay in Howlgalka Saaka lagu soo qabtay ugu yaraan 200 oo Ruux.

Waxaana Wali socda Baaritaanada Ciidamada Huwantaa ay wadaan,ayadoona ay jiraan Rag ka tirsan Al-shabaab oo Gacanta lagu dhigay.

Wali ma jirto  wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Amaanka Soomaaliya oo ku aadan Baaritaanada Saaka ka socda Magaalada Muqdisho.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho