Howlihii dekadda Muqdisho oo saaka hakad galay

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ka digtay Dabeylo xooggan oo ku dhufan doono xeebaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Howlihii dekadda Muqdisho oo saaka hakad galay

Muqdisho, Soomaaliya – Howlihii ka socday Dekadda Muqdisho ayaa la sheegayaa in gabi ahaanba saaka hakad la gelay sababo la xiriiro Dabeylo xooggan oo ka jiro Xeebaha Soomaaliya.

Ilaa saddex Markab oo sida badeecado kala duwan ayaa haatan taagan dekadda Muqdisho, kuwaasoo laga cabsi qabo in ay xargaha goostaan, waxaana socdo dedaallo lagu bad baadinayo shixnaha saaran Maraakiibtaan.

Wixii ku soo kordho Keydmedia Online kala soco inshallaah.

    Commenting is not available in this channel entry.