IGAD oo ka hadashay doorashooyinka Soomaaliya

Urur goboleedka IGAD oo ku shirayay waddanka Jibouti ayaa war murtiyeed soo saaray, iyagoo ka hadlay doorashada Soomaaliya

Warar Keydmedia Online
IGAD oo ka hadashay doorashooyinka Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda urur Goboleedka IGAD ayaa shirkii ay ku yeesheen magaalda Jabuuti ee waddanka Jabuuti waxay ka soo saareen war murtiyeed, waxayna ugu baaqeen dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya in xal waara laga gaaro arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Heshiis kal hore lagu gaaray Muqdisho oo ku saabsanaa arrimaha Doorashooyinka ayaa dhaqan geli waayay kaddib markii dowladdda dhexe ee Soomaaliya lagu eedeeyay in ay gacan bidixeysay guddigii doorashooyinka iyo sidoo kale guddigii xallinta khilaafaadka, kaasoo laga soo buuxiyay shaqaalaha Vila Somalia, Xafiiska RW iyo Hay'adda Sirdoonka ee NISA.

Qaar kamida madaxda dowlad goboleeyada iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka ayaa ka biya-diiday, waxayna ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan doonta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo cabashada arrintaasina loo diray Beesha caalamka si ay wax uga qabtaan. Urur goboleedka IGAD oo ku shiray magaalada Jabuuti waxay si cad ugu dhiirri galiyeen dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya xal laga gaaro.

“Golaha Madaxda IGAD isaga oo xusaya ahmiyadda hirgelinta heshiiska, waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, iyo saamileyda kale, inay ku xalliyaan khilaaf kasta oo la xiriira maamulka doorashada iyada oo loo marayo kalsooni iyo hab lagu ilaalinayo muhiimadda hanaankii geeedi socodkii Dhuusamareeb iyo heshiiska 17-ka Sebtember 2020 ee ku saabsan hanaanka doorashada ee isbedelka lagu sameeyey, si doorasho waqtigeeda ku dhacda oo ay wada aqbalaan dhammaan Soomaalida loo qabto,” ayaa lagu yiri bayaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.