IGAD oo ka shaqeyneysa curyaaminta Soomaaliya

Eedeynta Senator Abshir Bukhaari waxay timid kadib markii IGAD ay soo saartay qoraal ay ku taageertay dedaallad dib loogu furayo wadahadallada doorashadda.

Warar Keydmedia Online
IGAD oo ka shaqeyneysa curyaaminta Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Abshir Bukhaari ayaa eedeyn culus u jeediyay Urur Goboleedka IGAD, oo doorkiisa Soomaaliya uu ku tilmaamay mid gurracan oo lagu lug-goynayo Wadanka.

Wuxuu aad u dhaliilay doorka IGAD ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Ururkan uu ka leexday wadadii Beesha caalamka ee xalka loogu raadinayay khilaafka doorashadda dalka, islamarkaana uu ku dhaqmayo hab qaldan oo aan ku jirin maslaxadda Shacabka.

"Waxaa muuqata in IGAD ay ka shaqeyneyso dabin ay ku cuuryaamineyso guulaha sida naf-hurka ah ugu qabsoomay dadka Soomaaliyeed kuwaas oo ay ku gaareen hannaan wada-ogol ah," ayuu Abshir Bukhaari ku yiri qoraal uu Facebook soo dhigay.

Senator-ka ayaa ku eedeeyay IGAD inay ka shaqeynayso qorsho Farmaajo loogu xalaaleynayo muddo-kordhinta sharcid-darrad ah ee loo sameeyay 12-kii bishan kadib markii Gollaha Shacabka ansixiyay qaraar la mucaaraday.

Farmaajo ayaa dhawaan u tagey gudoomiyaha Midowga Afrika, oo ah hadda Madaxweynaha DR Congo, isagoo waydiistay in Ururka uu ku gacan siiyo, kuna taageero sidoo labo sano uu Soomaaliya usii xukumo lahaa.

Lama oga Midowga Afrika inuu taageeri doono dalabka Farmaajo, maadaama uu cadaadis kala kulmayo Mareykanka iyo Midowga Yurub oo aad uga soo horjeestay muddo-kordhin, kuna baaqay in dib loogu laabto Miiska Wadahadalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].