Ilwad Elman oo la guddoonsiiyay Abaalmarin Caalami ah

Ilwaad Elman Cali oo ah gabar u ololeysa Nabadda ayaa ku guuleysatay Abaal-marinta ugu sarreysa qaaradda Afrika ee sanadkan 2020-ka. waxaana abaalmarintan lagu magacaabaa German Africa Prize 2020.

Warar Keydmedia Online
Ilwad Elman oo la guddoonsiiyay Abaalmarin Caalami ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Gabadhan waxaa lagu magacaabaa Ilwaad Elman Cali, waxaa dhalay Elman Cali Axmed oo ahaa nin si weyn looga yaqaanay soomaaliya kahor inta aan la dilin, Ilwaad oo kamida saddexda gabar ee uu dhalay Elman ayaa ah qof firfircoon waxaana la guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah oo ay bixiso Hay'adda lagu magacaabo German Africa Foundation, waxayna abaalmarintan ugu magac dareen " German Africa Prize 2020" waxaana abaalmarintan lasiiyaa dadka u dhaqdhaqaaqa Nabadda iyo xuquuqda aadanaha.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in dhammaadka bishan Ilwaad lagu guddoonsiin doono xaflad caalami ah oo loo sameyn doono billaddan ay ku guuleysatay, Ilwaad ayaa uga mahad celisay qolyaha bixinaya abaalmarintan waxayna tiri "Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan aqoonsigan ka helay Jarmalka" Sanadkii 1993-kii ayey soo billaabatay bixinta abaalmarintan oo dad badan oo qaaradda Afrika ah ku guuleysteen in la siiyo.

Ilwaad Elman ayaa noqoneysa qofkii labaad ee Soomaali ah ee ku guuleysta abaalmarintan, Waris Dirie ayaa ahayd qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee ku guuleysta abaalmarintan, waxayna Waris heshay abaalmarintan sanadkii 1999 kii. 

Halkan hoose ka akhriso sida loogu kala guuleystay abaalmarinta tan iyo xilligii ay soo billaabatay bixinteeda:

1993: Yawovi Agboyibo (Togo)

1994: Derek Keys and Trevor Manuel (South Africa)

1995: Peter A 'Nyong'o (Kenya)

1995: Brazão Mzula (Mozambique)

1996: Elizabeth Kayissan Pognon (Benin)

1997: Alioune Blondin Béye (Mali)

1998: Sir Ketumile Quett Masire (Botswana)

1999: Waris Dirie (Somalia)

2001: Chenjerai Hove (Zimbabwe)

2002: Olara A. Otunnu (Uganda)

2003: Alpha Omar Konaré (Mali)

2004: John Githongo (Kenya)

2005: Paul Fokam (Cameroon)

2006: Segolame L. Ramotlhwa (Botswana)

2007: Francis Appiah (Ghana)

2008: Trevor Ncube (Zimbabwe)

2009: Christiana Torpe (Sierra Leone)

2010: Mohamed Ibn Chambas (Ghana)

2011: Abdikadir Hussein Mohamed (Kenya)

2012: Marlene le Roux and Pieter-Dirk Uys (South Africa)

2013: Muhammad Ashafa and James Wuye (Nigeria)

2014: Abdel Kader Haidara (Mali)

2015: Houcine Abassi (Tunisia)

2016: Thuli Madonsela (South Africa)

2017: Nicholas Opiyo (Uganda)

2018: Gerald Bigurube (Tanzania) 

2019: Clovis Razafimalala (Madagascar)

2020: Ilwad Elman Ali (Somali)

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.