Is-rasaaseyn ka dhacday Caasimadda Soomaaliya

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in is-rasaaseynta ay u dhaxeysay Boolis iyo Militeri.

Warar Keydmedia Online
Is-rasaaseyn ka dhacday Caasimadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Is-rasaaseyn khasaaro geysatay ayaa saakay ak dhacday inta u dhaxeysa Isbitaalka Digfeer iyo Isgoyska Banaadir, taasoo u dhaxeysay Ciidan kawada tirsan DF.

Gudoomiyaha dhanka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare ayaa sheegay in dagaalka uu u dhaxeeyay booliska iyo militeriga oo isku qabsadey dhul dowladeeda oo halkaasi ku yaalla.

Dhulka waxaa degan qoysaska askar iyo saraakiil katirsan militeriga, kuwaasoo kahor yimid qorsho booliska uga saari rabey guryahooda, oo la doonayay in burburin lagu sameeyay.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho, waxaana iska hor-imaadka uu hakad geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadada Banaadir illaa Tarabuunka aada.

Lama oga illaa hadda inta uu la egyahay khasaaraha dhimashadda iyo dhaawaca ee ka dhacay isku dhaca Ciidanka dowladda.

Inta badan dhulalka dowladda ee ku yaalla Muqdisho waxaa ku nool qoysaska Saraakiisha Ciidanka Militeriga, iyadoo dhowr jeer is-rasaaseyn noocana ah ay ka dhacday markii la isku dayay in laga saaro.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.