Iska war-qab la’aanta hay’adaha dowladda tan ayaa daliil u ah

Talada dalka in ay tahay mid ay maamulayaan rag is bar-bar yaacaya oo aan wada shaqeyn ka dhaxayn waxaa tusaale cad kuugu filan amarka uu bixiyay RW Rogane! 

Warar Keydmedia Online
Iska war-qab la’aanta hay’adaha dowladda tan ayaa daliil u ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadka reer Muqdisho ayaa ku waabariistay dhagxaan lagu gooyay waddo aad muhiim ah, taasoo dhacda bartamaha magaalada Muqdisho, kooxda bixsay amarka lagu xiray dhagxaanta ee fulinaysa shaqada iyo RW Rooble oo ah Wasiirka koowaad ee Xukuumadda qaabilsan fulinta isakama war qabin markii lagu dhaqaaqayay howsha waddo xiridda.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucallimuu ayaa saacado kahor bartiisa Facebook iyo Twitter ku shaaciyay in xukuumaddu ay dib u eegis ku sameeneyso tallaabada lagu fuliyay in la jaro Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, saacado kaddib waxaa haddana soo baxay RW Rooble oo bixinaya amar kale oo caksi ku ah go'aankii lagu xiray waddada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isna bartiisa Facebook -ga ku shaaciyay amar ah in si deg deg ah loo furo waddada dabka, waxa uuna uga mahad celiyay shacabka Muqdisho sida ay ugu dulqaateen xirnaanshadah waddada oo halbowle u ah isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Waxaan faray hay’adaha amniga in ay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga caasimadda.. Shacabka Muqdisho waxaan uga mahadcelinayaa dulqaadkooda, waxaanna ka codsanayaa in ay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada" ayuu yiri RW Rooble.

Warbaahinta gudaha, Wesite -yada Afka Soomaaliga wax ku qoray iyo dadka baraha bulshada isticmaala ayaa si aada uga hadlay arrinta ku saabsan xirnaashiyaha waddada Dabka, taasoo dhammaan dadkii ka hadlay iyo warbaahintii qortayba ay dhaliileen tallaabada la qaaday ee lagu jaray waddada, waxaana dowladdu garawshiyo ka muujiyeen falka ay ku xireen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.