Isku milanka Al-Shabaab iyo kooxda Farmaajo oo bannaanka yimid

Kooxda Farmaajo hoggaamiyo ayaa todobaadkaan mar kale qarsan waayay xiriirrka Villa Soomaaliya kala dhexeeya Al-Shabaab, kaadib markii ay si cad kaga hor-yimaadeen xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee Puntland toogatay todobo maalin ka hor.

Warar Keydmedia Online
Isku milanka Al-Shabaab iyo kooxda Farmaajo oo bannaanka yimid

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalmo ka hor, maamulka Puntland waxay xukuntay oo dil ku fulisay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo si cad u qirtay inay ka mid yihiin Kooxda, kuna lug lahaayeen qaar ka mid ah weeraradii argagixiso ee ugu xumaa Puntland.

Qaaarkood saxaafadda ayaa loo soo bandhigay iyaga xaqiijinaya in ay dad dileen, waxaana ugu danbeyn magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Qardho lagu toogtay 21 xubnood, 27-kii bishii lasoo dhaafay ee Juun.

Tan iyo xilligaas, waxaa socda olole ay iska kaashanayaan Kooxda Farmaajo iyo Al-Shabaab, kaas oo looga soo hor jeedo xubnihii Al-Shabaab ee lagu toogtay Puntland, laguna diidan yahay qorshaha uu maamulka Gaalkacyo hoggaaminayo ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Amin Arts, oo caan ku ah barabagaandada, tan iyo xilligii uu jiray taliskii Siyaad Barre, saaxiib dhowna la ah Farmaajo, ayaa dhankiisa qeyb weyn ka qaatay taageerada la siinayo Al-Shabaab, loogna soo hor jeedo in xubnahooda la toogto.

Inta badan kooxha isku dibaridan ee nidaamka Farmaajo ka difaaca baraha bulshada ayaa arrinkaan u kala harin, waxayna tallaabadani soo bandhigeysaa halka uu gaaray isku milanka labada dhinac.

Maaha markii ugu horaysay ee kooxaha argagixisada iyo VillaSomalia ay cududooda mideeyaan, waxaana la xasuustaa fadeexaddii bannabka timid sanadkii 2019, kadib markii la helay in Dowladda Qatar ee taageerta kooxda Farmaajo ay Dhaacish u adeegsatay weerar xilligaas ka dhacay dekedda Boosaaso.

Waqtigaas The New York Times, waxay daabacday sheeko taleefan gacmeed ku dhexmartay Safiirka Qatar ee Soomaaliya, iyo ganacsade aad ugu dhow Amiirka Qatar, oo isku sheegaya in iyaga iyo gaashaan-buurta kale fuliyeen qaraxii ka dhacay Bosaaso si ay u horumariyaan danaha Qatar, Imaaraadka Carabtuna uga cararaan Soomaaliya

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.