Isutagga Bulshada Rayidka oo ka hor yimid muddo kordhinta

Isutagga Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, ayaa ka soo hor jeestay tallaabada uu Golaha Shacabka Isniintii muddada ugu kordhiyay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Isutagga Bulshada Rayidka oo ka hor yimid muddo kordhinta

MUQDISHO, Soomaaliya – War qoraal ah oo ka soo baxay midowga Isutagga Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, ayaa looga soo hor jeestay muddo kordhinta uu 12/4/2021, sida dadban u meel mariyay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waraaqda waxaa lagu sheegay in muddo kordhintu, ay baal marsan taay heshiiskii 17-kii September 2020, lagu gaaray Magaalada Muqdisho, kaas oo lagu jiheeyay inta badan hannaanka doorashooyinka dalka.

“Bulshada Rayidka, waxa ay ku adkeyneysaa, Madaxda Dowladda fadaraalka Soomaaliya, iyo Dowlad Goboleedyada in ay sii wadaan wadahadallada si loo xaqiijiyo ma’suuliyadda ka saaran Madaxda, sidii dalka doorashooyin uga dhici lahaayeen.” ayaa lagu yiri waraaqda ka soo baxday Isutagga Bulshada Rayidka.

Si guud, Isutagga Bulshada Rayidka, waxa ay ka soo jor jeesteen, wax kasta oo dhaawici kara midnimada, abuuri kara kala tag, iyo burbur sababtiisu tahay doorashooyin lagu murmay.

Isutagga Bulshada Rayidka, waxa ay duubabka dhaqanka, culumo u diinka, haweenka iyo wax garadka Soomaaliyeed ugu baaqeen in loo istaago soo celinta wadahadallada, si dalka ay uga dhacdo doorasho la isla oggol yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].