Jaamacadda SIU oo Maydad ka gadaneysa Jaamacadda Kenyatta ee Nairobi

Muqdisho (KON) - Jaamacada Caalamiga ah ee Soomaaliya (SIU) ayaa markii ugu horeysay Taariikhda Waxbarashada Dalka waxay heshiis ay Maydad uga qaadanayso la gashay Jaamacada Kenyatta ee ku taala Nairobi ee Dalka Kenya.
Warar Keydmedia Online
Jaamacadda SIU oo Maydad ka gadaneysa Jaamacadda Kenyatta ee Nairobi

Jaamacadda ayaa xaqiijiyay War ay shaacisay Idaacadda BBC-da Laanteeda Af-Soomaaliga, waxeyna Jaamacadda sheegtay in ay Jaamacada Jomo Kenyatta ka gadatay 5 Meyd.

Maydadkaan ayaa waxa loo adeegsan doonaa in Ardeyda barata Kullyadda Caafimaadka iyo Qaliinka wax lagu baro.

Jaamacadda ayaa Qortay: "Maydadkaan Ujeedka loo keenayo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Gaar ahaan Xarunta Dhexe ee Jaamacada SIU ayaa ah in ardeyda barata Kullyadda Caafimaadka iyo Qaliinka in lagu baro Qeybaha Kala Duwan ee Jirka Bini'aadamka si aragti ku jirto, Sidoo kalena lagu baro qaabka loo sameyn laha qaliino Muhiim ah si loo Badbaadiyo Bulshada Dhibaateysan ee Soomaaliyeed."

Madaxa Qeybta Caafimaadka ee Jaamacadda Dr. Cusmaan Feytaan ayaa Wariyaha Keydmedia Online u sheegay in Shanta Mayd lasoo dhoofiyay Maanta oo Axad ah.

Waa markii ugu horeysay oo ay Jaamacad Soomaaliyeed dibadda ka keeneyso Meydad tiradaa la'eg.

Keydmedia Online - Muqdisho