Afgembi “dhicisoobay” & Saraakiil la xiray Jabuuti

Xabsi guri ayaa laga dhigay Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Jabuuti, kadib shaki ku aaddan in ay damacsanaayeen afgembi.

News Keydmedia Online
Afgembi “dhicisoobay” & Saraakiil la xiray Jabuuti

JABUUTI, Djibouti - Sida ay tibaaxayaan warar lagu kalsoonaan karo, oo aan ka heleyno Jabuuti, dowladda Jabuuti ayaa xabsi guri ka dhigtay, taliyayaasha ciidamada Booliska iyo Millatariga dalkaas, kadib markii looga shakiyey afgembi ay la damacsan yihiin xukuumadda Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha ayaa amray in dhaq dhaqaaqa laga xanibo, taliyaha booliska Jabuuti Korneyl, Cabdilaahi Faarax iyo taliyaha ciidamada millatariga dalkaasi, Jeneral Zakariye Sheekh Ibraahim, waxaana lagu xabisay guryahooda, halkaa oo la taajiyey ciidamo ka hor istaaga in ay dibadda u soo baxaan, ilaa amar danbe.

Labada sarkaal, ayaa la sheegay in ay wadeen toddobaadyadii la soo dhaafay, abaabul ciidan, kaas oo xukunka looga tuurayo, Ismaaciil Cumar Geelle.

Ehelada taliyayaasha, ayaa si hoose warbaahinta qaar ugu sheegay, in xitaa labada teliye laga qaaday taleefanadooda gacanta, si loo baaro xiriiradii ugu danbeeyey ee ay sameeyeen, waxeyna eheladu cabsi ka muujiyeen in saraakiisha ay mutaan xabsi dheer.

Xogtooda ayaa waxaa Madaxweynaha Jabuuti la wadaagay, sirdoon gaar ah oo ugu dhex jira, ciidamada dalkaas, kuwaas oo u soo gudbiya siraha qarsoon ee ciidamada iyo qorshayaasha aan lala ogayn, ee ay ku dhaqaaqayaan.

Dowladda Jabuuti, ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho xogta la xiriirta afgenbiga iyo xabsi guriga la geliyey, taliyayaasha ciidamada booliska iyo milatariga dalkaas, oo ah rag muddo dheer ku soo jiray howlaha ciidamada Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa in ka badan 22 sano, majaraha u haya taladda dalka Jabuuti, waxaana dadka ka soo horjeeda nidaamkiisa keli-talisnimada, ay sheegaan, inuu mar walba qabto doorasho aan daah-furneyn, oo isaga un uu ku soo baxo, iyadoo la tilmaamo in dalka aanu gaarsiin horumar la taaban karo, waxeyna dadka Jabuuti dhibaato ku qabaan helida biyaha iyo korontada.

Geelle oo 73 jir ah ayaa sanadkii 2021 ku guuleysatay doorashada dalka Jabuuti asigoo ka guuleystay hal Musharax oo la tartamay, kaasoo u noqday Musharax malxiis ah oo looga tala-galay inuu ka dhigo tartanka mid qaab dimuqraadi ah u dhacay.

Natiijada lagu dhawaaqay ayaa muujinaysa in Geelle uu helay 98.58%, halka uu Musharax maqaar-saarka ah Zakariye uu helay 5,000, oo u dhiganta 1.59%, taasoo ka dhigaysa in dalka Jabuuti aan ka dhicin doorasho xor iyo xalaal ah, oo si siman loogu tartamay.

Dad gaaraya 215,000 oo qof oo kamid ah shacabka dalka Jabuuti oo hal milyan lagu qiyaasay ayaa codeeyay doorashadda uu Madaxweyne Ismaaciil Geelle mar 5aad ku guuleystay.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa qaadacay ka qeybgalka doorashadda Jabuuti, iyagoo sheegay inaysan dhacaynin codbixin xor iyo cadalaad ah, oo dhinacyada ku wada qanci karaan.

Geelle ayaa kamid ah madaxa ugu mudada dheer ee Afrika, oo kursiga laga fujin la'yahay, wuxuuna dalka Jabuuti ka sameystay boqortooyo illaa uu ku dhimanayo isaga maamulayo.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.