Jadwalka Doorashadda Aqalka Sare oo lagu dhawaaqay - GHDHF

Guddiga doorashada ee heer federaal ee lagu muransan yahay ayaa waxay soo saareen jadwalka doorashooyinka ee Aqalka sare iyo Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka. 

Warar Keydmedia Online
Jadwalka Doorashadda Aqalka Sare oo lagu dhawaaqay - GHDHF

MUQDISHO, KON - Guddiga ayaa ku dhawaaqay in tartanka doorashada Aqalka Sare diwaan-gelintiisa ay bilaabaneyso saddex maalmood kadib, 26-da bisha December. 

Warqaddaan oo hortaala Keydmedia Online ayaa lagu sheegaya in diwaan-gelinta lasoo gabagabeynayo 29ka bishaan December, halka doorashada kuraasta Aqalka Sare lagu dhameystirayo inta u dhaxeysa 31da December illaa 6da Jannaayo 2021.

Guddigaan oo uu wali muran ka taagan yahay ayaa waxaa ka maqan guddigii ka matali lahaa Jubbaland iyo Putland.

Guddigan ayaa waxa uu ka kooban yahay dowlad goboleedyada dalka sida Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo xubnaha guddiga ee ay soo xushay dowladda dhexe, waxaana ka maqan guddigii ku matali lahaa Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo u maqan sabab la xiriirta khilaaf kala dhaxeeya dowladda dhexe.

Tani ayaa aad usii hurin karta xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Farmaajo iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah, waxaana loo arkaa in Farmaajo doonayo inuu doorashada Boobo.

Guddiga soo saaraya jadwalka oo qudhiisa aan heshiis lagu ahayn ayaa la doonayaa in lagu boobo doorashada, waxaana ay taasi keeni kartaa qalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca.

Qoraalka guddiga hoos ka akhriso:

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) isagoo tix gelinaya heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ka koobnaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka. Heshiiskaas oo dhigayey hannaanka iyo xilliga ay doorashadu ka dhacayso dalka.

Guddigu isagoo ka duulaya hawlaha iyo waajibaaka loo igmaday iyo marxaladdan xaasaasiga ah ee uu dalku ku jiro iyo waxa ka dhalan kara dib u dhac kale oo ku yimaadda wakhtiga doorashada, loona baahan yahay in la xaqiijiyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo xilligeeda ku qabsoonta.

Guddigu isagoo tix raacaya qodobada heshiiska 17 Sebteembar 2020, wajibaadkiisa shaqo ee uu Golaha Wadatashiga Qaran siiyayna gudanaya si ay dalku uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuu maanta oo ay tariikhdu tahay 23ka Diseembar 2020 shaacinayaa taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay dhacayaan.

Sida ku cad hab raaca doorashada iyo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, waxaa lasoo hormarinayaa doorashada xildhibaanada Golaha Aqalka Sare oo ay qabanayaan Baarlamaannada Dowlad Goboleedyadu.

Sidaas darteed, diiwaangelinta tartamayaasha Doorashada Aqalka Sare waxay bilaabanaysaa 26ka Diseembar 2020, halka laga sugayo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada in liiska murashixiinta ay soo saaraan 29ka Diseembar 2020, waxaana doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31ka Diseembar 2020 ilaa 6da Jannaayo 2021.

Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed waxay sidoo kale 7da Jannaayo 2021 gudagalayaan diiwaangelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada kuwaas oo lagu faahfaahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada.

Guddigu wuxuu rajaynayaa in dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka ay si hufnaan leh uga wada qayb qaataan tartanka doorashada, beelaha Soomaaliyeedna waa in ay kaalintooda ka qaataan hawlaha doorashada, xulista ergooyinka iyo ka qeybgalka tartanka kuraasta Labada Aqal, iyada oo laga fogaanayo dhammaan wixii khilaafaad keeni kara.

Ugu dambeyn, korjoogayaasha gudaha iyo dibadda waa in ay qaataan doorkooda ku aadan la socoshoda sida doorashooyinka u dhacayaan, si loo xaqiijiyo hufnaanta hannaanka doorashada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.