Jadwalka doorashadda Madaxweynaha Hirshabeelle

Xildhibaanno u badan dhalinyaro katirsan NISA ayaa kamid noqday Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaasoo la filayo inay u codeeyaan musharaxa Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Jadwalka doorashadda Madaxweynaha Hirshabeelle

JOWHAR, Soomaaliya - Gudiga doorashadda Hirshabeelle ayaa maanta ku dhawaaqay in 11-ka bishan la qaban doono doorashadda Madaxtimida Maamulkan mudada 4-ta sano kusoo jiray faragelinta DF iyo khilaaf gudaha beelaha dhistay.

Maalmaha 8-da iyo 9-ka November waxaa la diiwaangelin doonaa musharaxiinta, kuwaasoo 10-ka bisha sameyn doono hadal-jeedinta, iyadoo 11-ka oo ku beegan Arbacadda ay Xildhibaanadda dooran doonaan Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.