James Swan iyo Kate Foster oo cadaadis saaraya FEIT

Kate Foster, waxa ay sheegtay in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku noqon kara, dhaarinta Xildhibaannada 14-ka Abriil, oo foodda nagu soo heysa, waxayna ka mid tahay danjirayaasha gadaal ka riixaya in waxba kama jiraan laga soo qado go’aankii FEIT.

News Keydmedia Online
James Swan iyo Kate Foster oo cadaadis saaraya FEIT

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar ka mid ah wakiillada beesha Caalamka ee Soomaaliya, ayaa wada isku dayo ay ku doonayaan in Guddiga Hirgelinta Doorashada Federaalka (FEIT), fasaxaan afarta kursi ee Guddigu diiday ansixinta doorashadooda.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan oo shalay la kulmay Guddoomiye Muuse Geelle iyo xubno kale oo ka tirsan Guddiga, ayaa ka dalbaday in ay xal u helaan arrimaha ku xeeran afarta kursi  ee kala ah; HOP154, HOP103, HOP204 iyo HOP086.

Sida ay caddeynayaan, xogaha kulankaas la xariira, James Swan, wuxuu Guddiga FEIT, ka codsaday in ay shahaadooyinka Xildhibaannimo siiyaan, afarta shaqsi ee kuraastaan loo boobay, si doorashadu ay u dhammaato iyadoo aan daah iyo dib u sii dhac danbe lahayn.

Sidoo kale, safiirka Dowladda Ingiriiska Kate Foster, oo dhankeeda la kulantay xubno ka tirsan FEIT, oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la helo xal degdeg ah oo ku aaddan maareynta 4-ta kursi ee muranku ka jiro.

Kate Foster, waxa ay sheegtay in laga fogaado wax kasta oo caqabad ku noqon kara, dhaarinta Xildhibaannada 14-ka Abriil, oo foodda nagu soo heysa, waxayna ka mid tahay danjirayaasha gadaal ka riixaya in waxba kama jiraan laga soo qado go’aankii FEIT.

Kuraasta natiijadooda la diiday waxaa ka mid ah, HOP103, oo Baarlamaankii 10-aad uu ku fadhiyay Guddooomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamaed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo Baydhabo loogu boobay Maxamed Cali Xasan.

Kursiga HOP086, oo Fahad Yaasiin, Baladweyne ku soo boobay ayaa ka mid ah kuraasta ay FEIT ka reebtay kuwii hore loo shaaciyay, kaasoo ay doorashadiisa ka hor, cabasho ka gudbiyeen odayaasha dhaqanka iyo qaar ka mid ah musharixiinta kursiga.

Kursiga HOP154, oo loo boobay Sareeda Maxamed Cabdalla, guddiga doorashadu waxa ay hore u sheegeen in hannaankii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada, maadaama ay u tartay gabar ka yar 25 sano.

Kursiga kale, ee natiijadiisa la diiday waa HOP204, kaas oo loo dhacay Isaaq Cali Subag, waxaana doorashdiisa loo hakiyay kadib markii Laftagareen diiday inuu tartanka kursigas ka qeyb galo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Arbacadii Guddiga heer Federal, ayaa go’aamiyay in dib loogu noqdo doorashada afartaas kursi, si loo saxo habraacii qaldamay, iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016-kii, taasoo ka dhigan in qabashada doorashada aysan shaqo ku lahayn SEIT 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.