Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Ra’iisel Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen iyo ergayga gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah, sida ay carrabaabeen war- laliyayaasha ka howl gala gudaha Itoobiya.
ADDIS ABABA, Itoobiya – Wada-hadalkan ayay mas'uuliyiinta labada dhinac isku waydaarsadeen macluumaad iyo aragtiyo ku saabsan xaaladda hadda ka taagan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
"James Swan ayaa uga xog-waramay Demeke geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, rajooyinka iyo caqabadaha, xaaladda siyaasadeed ee haatan taagan, khataraha amni ee maleyshiyada Al-Shabaab iyo walaacyadda la xiriira," ayaa lagu war ka soo baxay dowladda Itoobiya.
“Labada dhinacba waxa ay qireen dadaallada ay sameeyeen DF iyo Dowladaha xubnaha ka ah, waxayna bogaadiyeen guulaha illaa iyo hadda la gaaray iyadoo la adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado wadahadalka iyo gorgortanka si loo xalliyo arrimaha harsan ee khilaafaadka” ayaa war-bixinta lagu yiri.
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa gacansaar dhow la leh Madaxweynaha waqtigiisi sharciga ahaa damaaday ee Farmaajo, waxayna hore u sheegeen in ay kawada shaqeynayaan mashruuca Is-dhexgalka Geeska Afrika kaas oo aan waxba ka soo naasa caddan.
Abiy Axmed ayaa dhankiisa ku fashilmay inuu dalkiisa ka qabto doorasho xilligeedi ku dhacda taas oo sababtay dagaalladii ka qarxay gobolka Tigray-ga.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments