Janan oo shaaciyay sababaha ay isku khilaafeen Axmed Madoobe

Janan ayaa isku soo dhiibay dowladda Todobaadkii hore, isagoo heshiis qarsoon la galay Fahad Yaasiin.

Warar Keydmedia Online
Janan oo shaaciyay sababaha ay isku khilaafeen Axmed Madoobe

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii uu isku soo dhiibay dowladda, oo la geeyay Muqdisho maalmo kahor, C/rashiid Janan ayaa ka hadlay sababaha isaga iyo Axmed Madoobe isku khilaafeen, oo uga soo baxay Maamulkiisa.

Janan oo ku jira gacanta Fahad Yaasiin, laguna hayo goob aan la shaacin oo Muqdisho ku taalla, ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu yahay kaligii-talis aan dooneynin in Jubbaland qof aan isaga ahayn inay maamusho, oo talada lala wadaago.

"Axmed Madoobe waa nin raba inuu noqdo qofka ugu sarreeyo iyo qofka ugu hooseeya ee Jubbaland, ma jecla qof kale inuu go'aan ku lahaado Maamulka," ayuu yiri Janan.

Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland ayaa intaasi ku daray in sababaha ku kalifay inuu kasoo baxao Maamulka Jubbaland ay kamid tahay inuu arkay Axmed Madoobe dhagartiisa iyo xukun jacaylkiisa qabiilka ku saleysan.

Waa eedeyntii ugu horeysay oo Janan u jeediyo Axmed Madoobe oo mudo ku dhaw 10 sano lasoo shaqeynayay, waxaana hadalkiisa dad badan ku micneeyeen mid siyaasadeysan, oo qiil ugu raadinayo goosashadiisa.

Keydmedia Online ayaa dhawaan qortay in Janan uu ku bedeshay soo xogta Axmed Madoobe in ka badan labo milyan oo dollar, oo Fahad Yaasiin u balan-qaaday, waxaana la ogeyn in balanta loo fulin doono iyo inkale. [Halkan ka akhri Warbixinta]

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.