Su’aalaha Yusuf Garaad waa ‘Cabsigelin & Niyad jabbin’

Yusuf Garaad, Wariyihii hore ee BBC Somali, hadana ah Ergayga gaarka ah ee Geeska Africa ayaa wuxuu bartiisa Facebook ku qoray Qormo kooban oo uu uga hadlayo Banaanbaxa Jimcaha, asigoo dhaliilaya Banaanbaxa, hadaba Xaaji Maxamed Yaassiin ayaa u Jawaabaya Yusuf. 

Warar Keydmedia Online
Su’aalaha Yusuf Garaad waa ‘Cabsigelin & Niyad jabbin’

Marka hore, waxaan salaamayaa walaalakay haddana ah saaxiibkay Md. Yussuf Garaad. Marka xigta, Gacaliye waxay ku fiicnaan lahayda adigoo *mansab u hayn* Dawladda uu hoggaamiyo Jaalle Farmaajo in aad soo bandhigto su'aalaha aad ka qabto *Banaanbaxa 19ka Feb. 2021*

Marna ma filayn in aad istaagayso *Mawqif u muuqda* *taageero Ninkii ku bahdilay ee kaa casilay Wasiir Dibadeed, hadana kuu magacaabay Mansab cid fahmi kartaa jirin, maantana kuu magacaabay Guddi u Qiil raadinaya dooraasho macmil ah ee Jaalle Farmaajo, mar labaad lagu soo dooranayo..!*

Su'aalaha aad soo bandhigtay waa wada *Cabsigelin iyo Niyad jabbin,* ujeedku yahay in Banaanbaxa la fashiliyo ama uusan noqon mid lagu *guulaysto..*

Shaki kuma jiro, in Mudaharaadyo badan ee adduunka ka dhacay suuragalisay isbedel loo baahnaa in Xukunka looga qaado *Kaligii Taliyeyaal Qaran dumis ah..*

Shaki kuma jiro, in Banaanbaxyo kale aan lagu guulaysan..

Shaki kumajiro, in banaanbax kasta Guusha ay ku xirantahay qaabka loo abaabulo, *Hoggaanka abaabulaya* iyo meesha uu ka dhacayo iyo Waqtiga uu dhacayo..

Shaki kumajiro, in Banaan baxa 19ka bisha uu yahay biloow we uusan ahayn dhammaad..

Shaki kumajiro, in banaan baxa soconayo inta Jaalle Farmaajo xukunka laga qaadayo..

Shaki kumajiro, in qaabka loo bedelay Jaalle Farmaajo aan lagarab dhigi Karin qaabkii xukunka looga riday Jaalle Siyaad..

Shaki kuma jiro, in Jaalle Farmaajo iyo Xertiisa ku jiraan *'Baitul Cankabuut"..*

Shaku kuma jiro, in Jaalle Farmaajo noqday waxaan  marnaba filayn oo lagu *Hungoobay..*

Shaki kumajiro, in 4 sano Shacabka Muqdishu ku noolaayeen *Amni la'an, Gaajo, Walwal iyo dayac Cudurka Covit 19 iwm..*

Shaki kumajiro, in Dadka ku dhintay qaraxyada kala duwan 4tii sano ay ka dhigayso *Muqdishu Caasimada Dhiiga..*

Shaki kumajiro, in *dhaqaalihii danyarta* baaba'ay intii Jaale Farmaajo Dalka ku amartaagleenayey..

Shaki kuma jiro, in maalin waliba dad badan ku dhintaan dilal qorsheesan oo *Madax Jebis ah..*

Shaki kuma jiro, in *Dawladda Jaalle Farmaajo iyo Al Shabaab isku Milmeen..*

Shaki kumajiro, in Jaalle Farmaajo waqtigiisii ku dhamaystay dhiig u ku daadiyey *Gobol waliba* si uu mar labaad dalka ugu *Amar taagleeyo ..*

Qaybtii Kowaad..

*Qore: Xaaji Maxamed Yaassiin

Commenting is not available in this channel entry.