Jawaari oo Madoobe Nuunow ka dhaadhicin waayay inuu tanaasulo {Wareysi}

Baydhobo (KON) - Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wali isku dayaya in Madaxda Maamulka Lixda Gobolka ee Koonfur Galbeed ka dhaadhiciyo inay Tanaasul sameeyaan oo ku biiraan midka 3 Gobol.
Warar Keydmedia Online
Jawaari oo Madoobe Nuunow ka dhaadhicin waayay inuu tanaasulo {Wareysi}

Xalay waxa uu Jawaari kula kulmay Hoteelka uu ka degan yahay Baydhobo, Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Lixda Gobol, waxaana Shir Mudo dheer qaatay kadib ay ku kala tageen Labada dhinac Natiijo la'aan.

Maamulka Lixda Gobol ee uu hogaaminayo Madoobe Nuunow, ayaa ku dhegan Go'aankoodii ahaa in aysan ka tanaasuli doonin marna Maamulka Lixda Gobol oo ay u dhan yihiin Beelaha degan Gobolada Koonfur Galbeed, Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe & Shabeellaha Hoose.

Balse Dowladda Federaalka ayaa u aragta Mowqifka Madoobe Nuunow mid aan socon karin, maadaama ay horay u aqoonsatay Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo ka dhisan, kaasi oo sheegta Jubbooyinka & Gedo.

Jawaari oo lagu eedeyey in Gacanta wax Lacaga loo soo galiyey ayaa Ujeedka u Baidhabo u tagay waxaay aheed in uu iskuu keeno Maamulada is diiday, oo uu u qabto Shir lagu dhisayo Maamul ay labada dhinac u dhan yihiin oo Dadka oo dhan ku midaysan yihiin.

C/qaadir C/raxmaan Cali, oo ah Wasiirka Kaluumaysiga Maamulka Koonfur Galbeed, garabka Lixda Gobol waxa uu kamid ahaa Dadkii Xalay la kulmay Gudoomiye Jawaari, waxuuna sheegay in aysan qaadan karin Maamulkooda in uu bur buro oo ay qaataan Saddex Gobol.

Dowladda Federaalka ayaa doonaysa inay Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed noqdaan, una aqoonsato Labo Maamul oo lakala dhaho Jubbaland & Koonfur Galbeed, oo midkiina ka kooban Saddex Gobol.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Hoos ka Dhageyso Wareysi uu Wasiirka siiyay Radio Kulmiye: