LIVE // TOOS

‘Jimcihii Madoobaa’

Maanta oo Jimco ah waxaa qorsheysan Banaanbax loo magac bixiyay 'Kacdoonka Shacabka', halkaani waa Bogga rasmiga ah ee KEYDMEDIA ONLINE ee aan idinku talagalnay inaan adin kugu soo gudbino si toos ah Wararka iyo Warbixinnada la xiriira Bannaanbaxa weyn ee Maanta. 

Warar Keydmedia Online
‘Jimcihii Madoobaa’
February 19, 2021 - 11:37:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Akhristayaal tabinteena tooska ahaa meshaan ayuu ku egyahay, boggaan kala soco wixii maanta dhacay. 

Habeen wanaagsan, 

KEYDMEDIA ONLINE

February 19, 2021 - 11:35:00
NAIROBI - Keydmedia Online

Maxa xalay ilaa saka Xamar ka dhacay?

Keydmedia Online waxa ay idiin soo koobeysaa dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Xalay ilaa saaka ka dhacay Magaalada Mugdisho.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa hore u iclaamiyay bannaan-bax ballaaran oo qorshuhu ahaa inuu maanta ka dhaco taallada Daljirka Dahsoon ee Magalada Muqdisho.

 Madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dagay Huteelka Maa’iddo  Ex Naasa-hablood oo u dhow taallada Daljirka oo ballantu ahayd in la isugu yimaado.

 Xalay fiidkii ciidamo uu hor kacayay Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad ‘Indhacadde’ ayaa la wareegay amniga Taallada Daljirka, Jananka oo warbaahinta la hadlay ayaana sheegay in dalka aysan ka jirin wax maamul Dowladeed ah.

Madaxweynaha ay muddadu ka dhamaatay ee Farmaajo ayaa xalay amray in la weeraryo Madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed Huteel-ka ay ka dagan yihiin Muqdisho.

Guud ahaan Magaalada Muqdisho ayuu Rajiimka waqtigiisu dhamaaday ku soo daadiyay askar Fahad iyo Farmaajo ka amar qaata, waxaana dadka Shacbaka ah ku soo waabariisteen ciidan wata qoryo amaanku u furan yahay oo taagan jidadka iyo guryaha iriddooda.

Guud ahaan ciidamada Farmaajo soo diray waxa diideen isku socodka dadweynaha , mana jirto goob gancsi oo saaka la furay magaalada Muqdisho.

Madaxdii iyo Shacabkii uu qorshahoodu ahaa in ay aragtidooda ku soo bandhigaan Daljirka Dahsoon ayay saaka u suuroobi weysay, jidadka xirar awgood.

Qeyb ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay hoggaaminayaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaaan Cabdishakuur Warsame iyo dad shacab ah ayaa degmada Wadajir ka billaabay mudaharaad xooggan, kaas oo si dag-dag  ah isu qabsaday una xoogeystay.

Ciidamada uu soo abaabulay Farmaajo ayaa rasaas kala hor tagay Mudaharaadka waxayna khatar galiyeen nolosha Madaxdii iyo shacabkii ka qeyb galayay dibad-baxa.

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay xaaladda cakiran ee uu galay dalka Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in loo ja joojiyo isku dhacyada ka socda Muqdisho kadib markii is hor istaag lagu sameeyay shacabkii bannaan-baxa ka dhigi lahaa Magaalada Muqdisho ee kasoo horjeeday dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.

Musharixiinta Madaxweynaha ee Mucaaradka ah ayaa sheegay in Farmaajo uu yahay dhiigya-cab, kali-talis ah ayna kula xisaabtami doonaan wixii uu sameeyay xalay ilaa sakay.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan iyo Shariif oo xalay ilaa maanta ku go’doonsanaa Huteel Maa’idda ayaa kadib salaaddi jimacaha ka soo baxay Hiteelka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ‘Rogane’ oo warbaahinta la hadlay ayaa taageeray go’aankii lagu baajiyay bannaan-bixii maanta, wuxuu Jeneraal Indhacadde ku eedeeyay in weeraray ciidamada dowladda, halka uusan soo hadal qaadin siyaasiyiinta uu heyb ahaan matalo ee dhibaatada xooggan loo geystay xalay iyo saaka.

February 19, 2021 - 8:29:00
NAIROBI - Keydmedia Online

Midowga Afrika

Midowga Afrika ayaa war kasoo saaray shaqaaqooyinkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale rabshadihii maanta ka dhacay isla magaalada Muqdisho.

War kasoo ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa la faray  in ay ku shaqeeyaan awoodaha lasiiyey, oo ay ilaaliyaan hantida iyo nafta kuwa ka tirsan AMISOM iyo meelaha ay ilaaliyaan sida Villa Somalia, haddii awood laga maarmi waayana ay awood macquul ah adeegsadaan.

Qoraalkan waxaa lagu amray ciidamada AMISOM inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda isla markaana ay joojiyaan socodka iyo dhaqdhaaqa.

February 19, 2021 - 5:44:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid ‘Juxa’ ayaa ka mid noqday dadka caanka ah ee ka fal celiyay dhacdooyinkii Xamar ka dhacay xalay iyo saaka.

Cabdi Faarax Siciid ‘Juxa’ wuxuu cambaareeyay hab-dhaqanka Farmaajo isagoo ku eedeeyay in uu xoog u adeegsaday dad shacab ah oo dhigaya bannaan-bax nabadeed.

"Jimcihii Madoobaa ee Bannaan-bax nabadeed iyo Beebee ciidan".  Ayuu ciwaaan uga dhigay qoraal yar oo Wasiir Juxe uuu ku soo qoray  bartiisa Facebook.

Juxa wuxuu Febraayo 19, 2021-ka ugu yeeray maalin ku astaysan caburin, dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliya ayuuna sheegay in ay dib u dhac ku tahay waxa xalay iyo maanta uu Farmaajo sameeyay.

“Waa dhacdo foolxun oo ay tahay in la cambaareeyo. Waa maalin ku astaysan caburin, caga-juglayn iyo kelitalisnimo oo taariikhda dib-u-dhiska Dawladnimada Soomaaliya ku ah bar madow”.

“Waa dhacdo leh xasuus-taariikheed xun oo ay Soomaalidu kasoo kabanaysay”.

February 19, 2021 - 3:59:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Xasan Sheekh: Wixii ka dhacay Muqdisho Xalay iyo Maanta waxuu ahaa isku-day afgembi oo uu soo maleegay Madaxweynihii hore Farmaajo, isaga iyo taliyeyaasha Ciidanka ee ku taageeray waxaa lasoo taagi doonaa Cadaaladda Maxkamad.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa xalay lagu weeraray hotel Maida oo ay deganaayeen, waxaana ay ka badbaadeen isku day la doonayay in lagu dilo, sida ay sheegeen Saraakiil xafiisyadooda katirsan.

February 19, 2021 - 3:39:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Sii hayaha Ra'iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble oo u jawaabayay Jen Indha-Cadde ayaa sheegay in ayaan darro ay tahay in iyadoo lagu jiro 2021 in qof uu sheegto inuu qabsaday Muqdisho, dalkuna aan ka jirin wax dowlad ah.

February 19, 2021 - 1:32:00
NAIROBI - Keydmedia Online

Akhristayaal sida aad kala socotit bogga Twitter ee Keydmedia English, waxaa maanta shir jaraa’id Magaalada Muqdisho ku qabtay qeyb ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha,  kuwaas oo saaka barqadii lagu rasaaseyay waddada gasha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsanme, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuled iyo madax kal ayaa la hadlay saxaafadda.

Dhamaan Madaxdu waxa ay canbaareeyeen falkii ay kula kaceen ciidamadii uu soo diray Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo, waxayna dusha ka saareen wixii dhib dhacay.

Xasan Cali Kheyre wuxuu caddeeyay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan iyo Shariif ay xalay ka badbaadeen isku day dil, halka Musharixiintii maanta bannaan-baxaysay la qorsheeyay in la laayo.

“Habeenkii aan umadda Soomaaiyeed u tanaasulay, waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aanan rabin in aan qeyb ka noqodo dhibaatada umadda ku soo socota haddii dariiqaan lagu sii socdo”. Ayuu yiri RW Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore Kheyre wuxuu Farmaajo ku eedeeyay in uu isku baddalay dagaal ooge dhiigya cab ah, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay ka hor tagaan Kali-taliska dhiig-yacabka ah.

February 19, 2021 - 1:27:00
NAIROBI - Keydmedia Online

Xildhiban Mahad Maxamed Salaad oo qeyb ka ahaa Madaxdii iyo Shacabkii maanta naftooda halista lagu galiyay Muqdisho ayaa sheegay in Farmaajo uu yahay Siyaad Barre labaad.

“Xalay iyo saakay waxa dhacay waxay ka marqaati kacayaan in Farmaajo yahay Siyaad Barre labaad, INKAAR iyo AF na ku bixi maayo ee hala iswaraysto”.ayuu yiri Xil: Mahad Salaad.

Mahad Salaad wuxuu ka mid yahay, masuuliyiinta sida adag kaga soo hor jeeda Kali-taliska ay Mucaaradku dhiig-yacab ugu yeeraan ee Farmaajo oo isagoo waqtigiisi dhamaaday doonaya inuu xoog iyo sifo sharci darro ahh ku sii hayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

February 19, 2021 - 1:10:00
NAIROBI - Keydmedia Online

Jimco Wanaagsan

Jimco wanaagsan akhristayaal, halkaani waa Xafiiska KON ee Nairobi. Muqdisho waxaa lagu jiraa saacadaan Salaada Jimcada, marka Wararka Nairobi ayaan kasii wadi doonaa hadii alle idmo inta Salaadda iyo Qadadda laga soo laabanayo. 

February 19, 2021 - 12:04:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

CC Shakuur: In Beesha Caalamka aan ka hadlin weerarkii lagu qaadey Madaxdii hore ee dalka iyo rasaastii lagu furay dadkii sida nabdoon u mudaharaaday waxay markhaati u tahay inaysan dan ka lahayn dimuqraadiyada, ku dhaqanka sharciga & xasiloonida Soomaaliya.

February 19, 2021 - 12:01:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Senator Ilyes Cali Xasan: "Aamusnaanta beesha caalamka waxaa loo fasiran karaa inay calaamad u tahay taageerada Farmaajo damaciisa dhiig daadinta si uu ugu dheganaado xukunka"

"Muddo sanado ah, waxay dowladaha beesha Caalamka awood u siinayeen Farmaajo inuu kusii nagaado xukunka si walba oo macquul ah"

February 19, 2021 - 11:58:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Ciidamada daacada u ah Farmaajo waxa ay mid kamid ah qoryaha wax guba ku dhufteen qeyb ka mid ah Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, waxayna xabadda garoonka gubtay u wadeen gaariga aan xabaddu karin oo uu watay  Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

February 19, 2021 - 11:51:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Xildhiban Mahad Salaad oo qeyb ka ahaa Madaxdii iyo Shacabkii maanta naftooda halista lagu galiyay Muqdisho ee rasaasta lagu furay, ayaa sheegay in Farmaajo uu yahay Siyaad Barre labaad.

February 19, 2021 - 11:49:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM ayaa qoraal uu soo saarey ku sheegay inuu ka walaacsan yahay dagaalka ka socda Muqdisho, waxuuna ugu baaqay dhamaan dhinacyada ku lugta leh inay is-xakameyn muujiyaan, oo rasaasta lagu bedelo wadahadal.

February 19, 2021 - 11:44:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Duulimaadka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa saakay hakad galay kadib markii uu albaabkiisa uu qaraxa ka dhacay xili uu dagaal ka socday qeybo kamid ah Muqdisho.

February 19, 2021 - 10:28:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

DEG DEG: Banaanbax ay hogaaminayaan Musharixiinta ayaa ka socda KM4 illaa Wadada Garoonka diyaaradaha, waxaana hogaaminaya CC Shakuur iyo Xasan Cali Khayre, iyadoo Ciidanka dowladda ee ku sugan airport-ka ay rasaas ridayaan.

February 19, 2021 - 10:21:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

DEG DEG: Rasaas culus ayaa ka dhacaysa afaafka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo billaabatay kadib markii banaanbaxayaal uu hogaaminayo CC Shakuur ay isku dayeen inay ku dhawaadaan Garoonka oo AMISOM ilaaliso.

February 19, 2021 - 9:25:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Bannaan-bax uu hor kacayo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka billowday waddada aadda garoonka Diyaaradaha Addan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Xildibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo dad shacab ah ayaa ku soo biiray bannaan-baxa.

Ciidamada uu Farmaajo soo diray ayaa xabad kala hor yimid bannaanbaxa, waxaana Madaxda Dibad-baxaysay hakiyeen muuqaalkii Mudaharaadka oo ay tos uga tabinayeen barahooda Bulshada.

February 19, 2021 - 9:18:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

DEG - DEG

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Xildibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo dad shacab ah ayaa ku soo biiray bannaan-baxa

February 19, 2021 - 8:16:00
MUQDISHO - Keydmedia Online

Kaddib markii ciidamada dowladda is hortaag ku sameeyeen dibadbax balaaran oo qorshuhu ahaa taageerayaasha mucaaradka in ay isugu soo baxaan taalada Daljirka Dahsoon, ayaa waxaa dibadbax kooban uu ka bilowday waddada gasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo uu hogaaminayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

MUQDISHO, Soomaaliya - Banaanbaxaan oo ay qorsheeyeen Musharixiinta Mucaaraadka oo ay hogaaminayaan Madaxweyniyeyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, ayaa Maanta oo Jimco ah lagu  qabanayaa fagaaraha Daljirka Dahsoon, oo ku dhaw Madaxtooyadda iyo xarunta NISA.

Bannaanbaxa ayaa sida la qorsheeyay inuu billowdo 8:00 A.M. Subaxnimo, Gollaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbaxa uu noqon noqon doona kii ugu ballaarnaa, oo lagu qabto magaalada Muqdisho, loogana soo hor jeedo Maamulka Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Boggaan kala soco wixii Macluumaad ah si TOOS AH:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.