Kalsooni la’aanta Rooble oo waji cusub u yeeshay Khilaafka doorashadda

Soomaaliya ayaa wajaheysa qalalaase siyaasadeed kadib markii madaxdeeda ay awoodi waayeen in ay qabtaan doorasho Farmaajo muddo-xileedka ka dhamaadey bishii Feb 8.

Warar Keydmedia Online
Kalsooni la’aanta Rooble oo waji cusub u yeeshay Khilaafka doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii Farmaajo ku dhawaaqay horaantii bishan in howlaha doorashada ku wareejiyay RW Rooble waxaa soo baxayay ifafaallo wanaagsan, oo ay muujiyeen qaar kamida xubnaha Mucaaradka iyo Beesha Caalamka.

Rooble ayaa sameeyay dedaallo dhowr ah, oo loogu gogol xaarayo doorashooyinka Soomaaliya, isagoo iclaamiyay Shir u dhaxeeya dowladda iyo Maamul Goboleedyada, kaasoo lo balansan yahay 20-ka bishan, oo 3 maalin ka dhiman.

Iyadoo dedaalladan socdaan, waxaa durba soo baxay eedeyn lama filaan ah oo Mucaaradka u jeediyeen Rooble, oo ay kamid tahay inuusan dhex-dhexaad ka ahayn arrimaha doorashadda, ismarkaana lagu hayo cadaadis uga imaanaya dhanka Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Shaki kuma jiro Rooble inuusan u madax-banaaneyn go'aannada siyaasadeeda, oo gadaashiisa wax looga soo meerinayo, taasoo mucaaradka cabsi gelisay, maadaama Farmaajo uu rabo inuu tartamo doorashadda, islamarkaana uu diyaarinayo Xildhibaanno isaga u coddeeya, oo soo xulistooda Fahad Yaasiin ka shaqeynayo.

Dad badan oo siyaasadda u dhuun-daloola ayaa aaminsan in Shirka 20-ka May uusan ka duwanaan-doonin kuwii hore oo laga gaari waayay wax natiijo ah, maadaama ay Mucaaradka shaki wayn geliyeen dhex-dhexaadnimada Rooble.

Rooble oo si guud iyo si gaar ah ula kulmay Musharixiinta Mucaaradka ayaa balanqaaday inuusan dhinacna u xaglin doonin doorashada wuxuuna balan qaaday inuu gaarsiin doono cod bixin lagu kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan labada dhinac ee siyaasada ku kala qeybsan.

Si kastaba ha noqotee, maadaama uu xilka culus hayo, dadka qaar waxay isweydiinayaan inuu ka badbaadi karo saameynta Fahad Yaasiin iyo Farmaajo. Su’aal kale ayaa ah ma ku hogaamin karaa howlaha doorashada si madaxbanaan, oo eex iyo nin jeclaysi ku jirin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.