Kenya oo ogolaatay in ay dib u billowdaan duulimaadyadii Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa fasaxday duulimaadyadii ay horay xayiraadda usaartay ee dalkeeda ay la laheed waddanka Soomaaliya, sida ay shaacisay Wasaaradda Arimaha Dibadda Kenya. 

Warar Keydmedia Online
Kenya oo ogolaatay in ay dib u billowdaan duulimaadyadii Soomaaliya

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa dib u furtay hawadeeda duulimaadyada ka imaanaya iyo kuwa aadaya Soomaaliya, iyadoo horay u joojisay duulimaadyada dalkeeda uga imaan jiray Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa shaacisay warkan, iyadoo aysan jirin wax shuruud ah oo ku xiran dib u billaabashada duulimaadyada labada dal inkastoo dowladda Kenya ay ku dhawaaqday arrintan kaddib markii hawada Soomaaliya laga celiyay diyaarado ganacsi oo sidday Qaad kuwaasoo kusii jeeday Soomaaliya.

Hay'adda Duulimaadyada Rayidka Soomaaliyeed ayaa amar ay soo saartay ku joojiyay diyaaradaha ganacsiga ee ka imaanaya Kenya. Dowladda Kenya oo ka jawaabeysa tallaabadasi ayaa 11 May ee sanadkan ku dhawaaqday in ay joojisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya ka imaan jiray iyo kuwii aadi jiray intaba.

Muddo bil ah oo ay joogsadeen duulimaadyadii Muqdisho iyo Nairobi, ayaa la filayaa in ay dib u billowdaan maalinimada berri ah, iyadoo dowladda Kenya ay si rasmi ah u shaacisay arrintan.

Halkan hoose ka akhriso warkan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.