Kenya oo kula talinaysa Muwaadiniinteeda in ay ‘iska ilaaliyaan’ Heathrow Airport

London, Nairobi (KON) - Dowladda Kenya ayaa ku 'talisay' in Muwaadiniinteeda ay ka fogaadaan Garoonka Caalamiga ee London, Heathrow Airport, ayadoo sheegtay in ay ka digeyso "Weeraro Aragixisadda ay rabaan in ay ka fuliyaan Heathrow".
Warar Keydmedia Online
Kenya oo kula talinaysa Muwaadiniinteeda in ay ‘iska ilaaliyaan’ Heathrow Airport

Kenya ayaa soo saartay digniin ay u direyso Muwaadiniinteeda, iyadoo ku wargelisay in ay ka digtoonaadaan inay tagaan ama taransit kusii maraan Garoonka Caalamiga ah ee Heathrow oo ku yaalla magaalada London ee dalka Britain.

Kenya ayaa sheegtay inay suurogal tahay in ay ka dhacaan falal argagaxiso oo ururka Al-Qaacida ka geysato garoonkaasi.

Xoghayaha Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Kenya, Karanja Kibicho ayaa sheegay inay suurtagal tahay in ay Heathrow Airport ka dhacaan falal Argagixiso oo ay fuliyaan Al-Qaacidda.

“Warbixino aan ka heleyno Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay inay dagaalyahannada Al-Qaacida ee Suuriya iyo Yaman isku dayayaan inay sameeyaan bambooyin awood u leh in lagu soo rido diyaaradaha (...) waxaan uga digeynaa muwaadiniinteena inay u safraan Garoonka Heathrow,” ayuu yiri Kibicho.

Sidoo kale, Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka Ingiriiska (FCO) ayaa uga digay dadka u dhashay dalka Britain inay u safraan Goobaha Dalxiiska ee ku yaalla Xeebaha dalka Kenya.

"Halis argagixiso ayaa ka jirta Xeebaha Dalka Kenya" ayuu sheegay Xafiiska Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka Ingiriiska (FCO).

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa sheegay in dowladiisu ay heshay Fariimo ku aadan Qatar Muwaadiniinta reer Britain ay kala kumi karaan haddii ay tagaan Magaalooyinka loo dalxiis tagao ee ku yaalla Kenya, gaar ahaan magaalada Mombassa iyo Gobolka xeebta ah ee Lamu iyo gobolka Tana River.

Goobaha Dowladda Britain ay uga digtay Muwaadiniinteeda:

  • Gobolka xeebta ah ee Lamu iyo gobolka Tana River
  • Degmada Gaarisa
  • Magaalooyinka 60 KM u jira xuduuda kala qeybisa Soomaaliya iyo Kenya.
  • Xaafada Eastleigh ee Nairobi
  • Garoomada diyaaradaha ee kala ah Diani ama Moi
  • Magaalada Mombasa iyo Degmada Mombasa

Keydmedia Online - Nairobi