Dowladda Kenya oo maal-galinaysa Dacwada qaadka ee Ingiriiska - Warbixin

Nairobi (KON) - Xukuumadda Kenya ayaa maal-galinaysa dacwad ka dhan ah Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Ingiriiska Theresa May, oo iyaducalanka u sida mamnuucida Ingiriiska ee qaadka ama miraha.
Warar Keydmedia Online
Dowladda Kenya oo maal-galinaysa Dacwada qaadka ee Ingiriiska - Warbixin

Dacwaddan oo uu bilaabay Maxamuud Axmed Maxamed, oo ah ganacsade qaad oo London daggan, ayaa sheeganaya in mamnuucidu ay ku xad-gudbayso xuquuqda banii'aadamka ee qaad cunayaasha. Xukuumadda Kenya ayaa dacwaddan ku bixinaysa 5.5 milayn shilin ($65,000), iyada oo Gobalka Meru--oo ah meesha qaadka ugu badan ka soo go'o Kenya--uu bixinayo 2.1 milayn shilin ($24,000) oo dheeri ah.

Qaadka waa "qayb soo jireen ah ka ah hiddaha iyo dhaqanka bulsho," ayaa lagu qoray dacwadda. "Go'aanka ayaa ka hor imaanaya xuquuqda ku qoran Qodobka 14-naad ee Axdiga Yurub ee Xuquuqul Insaanka, kaa soo sheegaya in aan qofna lagu faquuqin xaqiisa ah soo bandhigida dhaqanka iyo caadada jinsigiisa marka uu dadkiisa ku dhax jiro."

Dipak Jotangia, oo ah qareenka Maxamed ayaa sheegay in xanibaadu ay "cawaaqib xun ku yeelan doonto Kenya".

"Ma aha oo kaliya in qaadku uu qayb ka ahaa hab nololeedka Bulshada Bariga Afrika sanado badan, lakaiinse waa xubin muhiim ah oo ah dhaqaalaha Kenya iyada oo in ka badan hal malyan oo qof ay beerashadiida ka shaqeeyaan," ayuu yidhi Jotangia.

Qiimaha qaadka ay Kenya u dhoofiso Ingiriiska ayaa lagu qiyaasay in uu la egyahay 2 bilayn oo shilin ($24 milyan) sannadkiiba.

Keydmedia Online - Xafiiska London