Kenya: waxaan Magangalyo siinay Horjogayaal Muhaajiriinta Shabaab ah

Nairobi (Keydmedia) -Saraakiisha Amaanka ee dalka kenya ayaa sheegaya in ilaa iyo 26 Maleeshiyo oo ka tirsan Horjoogayaasha Kooxaha Muhaajiriinta iyo kuwa shabaabka oo ku sugan Kenya ayaa magangalyo ka heleen dowlada Kenya. kadib markii ay Kooxahani ay balanqaadeen iney ku badalanayaan in ay Kenya kala shaqeeyaan sidii kooxdii ay ka tirsanaayeen xididada loogu siibi lahaa.
Warar Keydmedia Online
Kenya: waxaan Magangalyo siinay Horjogayaal Muhaajiriinta Shabaab ah

Warkani waxaa shalay shir jaraa’id ka sheegey afayeenka Police-ka Kenya Eric Kiraithe, waxa uu ka garab hadlayay saraakiil ka tirsan wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda. Taliyaha Police-ka Kenya Mathew Iteere ayaa magangalyada u fidiyey dhamaan dhalinyarada Kenya u dhashay ee ay kooxdaasi soo tababaratay. Horjoogayaasha Kooxda Shababka ee magangalyada la siiyey oo aanan magacyadooda la faafinin, waxaase la xaqiijiyey in ay ku jiraan Keynyan, Pakistaan iyo Soomaali.

Keydmedia.Net