Turkiga: Kenyatta iyo Gül oo kawada hadlay Ammaanka Soomaaliya

Nairobi (KON) - Kenya iyo Turkiga ayaa Maanta Heshiis ku saabsan Soomaaliya kala saxiixday, kaaso dhigayo in Labada Dal ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan Ammaanka Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Turkiga: Kenyatta iyo Gül oo kawada hadlay Ammaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo gaaray Dalka Turkiga ayaa Madaxda Turkiga kala hadlay Ammaanka Soomaaliya iyo Ammaanka Xuduudka Kenya ay la leedahay Dalka.

Kenyatta iyo Madaxweynaha Turkiga, Cabdulla Gül ayaa kala saxiixday Heshiis dhigaya in booliiska labada dal ay xiriir yeeshaan, kana shaqeeyaan Ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale waxey labada Dal ku wada heshiiyeen in Dowladda Turkiga ay tababar siisi Ciidamada Ammaanka Kenya si ay "Uga hor tagaan Argagixisadda" sida lagu Qoray Warsaxaafadeedka.

Cabdulla Gül ayaa xusay Muhiimada Dowladda Turkiga ay u leedahay Xasiloonida Geeska Afrika, wuxuuna sheegay in uu kor u qaadi doono Ganacsiga dhexmara Kenya iyo Turkiga.

“Sugidda Ammaanka Soomaaliya, Kenya iyo Turkiguba, Muhiim ayay u tahay, waana kawada shaqeyneynaa (...) Sidoo kale waxaan ka hortageynaa, ArgagixisaddaGeeska Afrika Qatar ku ah" Ayaa lagu Qoray Warsaxaafadeedka.

Turkiga ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, sii wadi doonana hormarinta Soomaaliya.

Keydmedia Online - Nairobi




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.