Keydmedia Online oo xog ka heshay dagaalka Xabsiga Dhexe

Intii ay Ciidanka ku daba jiraan maxbuuskii hore ee baxsaday, ayaa waxaa gudaha mar qura ka billowday rasaas xoogan, oo ay ridayeen Maxaabiis kale oo helay hubka fudud iyo bambaanooyinka gacanta laga rido.

Warar Keydmedia Online
Keydmedia Online oo xog ka heshay dagaalka Xabsiga Dhexe

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal Asluubta katirsan, oo magaciisa ka gaabsadaya ayaa Keydmedia Online u sheegay in dagaalka gudaha xabsiga Dhexe uu hadda joogsaday, islamarkaana aan socon wax rasaas ah oo la maqlayo.

Wuxuu xusay in markii hore qof kamid ah maxaabiista oo Al-Shabaab uu bistoolada ka xoogey ninka hayay furaha Xabsiga Dhexe oo Maskiinow lagu magacaabi jiray, oo inta dilay kadibna ka baxsaday jeelka.

“Iyadoo Ciidamada ku raadjoogaan maxbuuska oo dhanka dekadda u baxsaday, ayaa rasaas kale ka billaabatay gudaha xabsiga, kadib markii qoryo iyo bambooyin ay haleen maxaabiista kale,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mar Keydmedia Onlne wax ka waydiisay sida maxaabiista ku heleen hubka, ayuu ku jawaabey: “Kolley waa arin u muuqata mishin la diyaariyay oo maxaabiista Al-Shabaab loogu tala-galay inay ku baxsadaan.”

Waxuu sidoo kale sheegay in aan gacanta lagu heynin maxbuuskii markii hore baxsaday, kaasoo albaabka u furay maxaabiis kale oo ay kuwada xirnaayeen xarunta, kuwaasoo intooda badan la sheegay inay fakadeen.

"Illaa hadda ma cadda tirada maxaabiista ku lugta leh weerarka lagu qaaday ciidamada ilaalada xabsiga Dhexe. Cidamada amniga ayaa weli hawlgal wada," waxaa sidaasi sheegay Sarkaalka KON khadka Taleefonka kula hadlay.

Saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaan wali ka hadlin sida ay wax u dhaceen, iyadoo lagu mashquulsan yahay hadda tira-koobka maxaabiista kuwa ku jira xabsiga iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka dhacay.

Xabsiga Dhexe waxaa dhowr jeer oo hore ka baxsadey maxaabiis Al-Shabaab katirsan, iyadoo arintaasi loo sababaynayo inay jiraan saraakiil la shaqeeya Kooxda, oo arrimaha u fududeeyo, oo lacag lagu siiyo.

UPDATE: Dagaalkii Xabsiga Dhexe oo lasoo afjaray

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in 4 maxbuus oo ka dagaalamayay mudo saacado ah gudaha Xabsiga Dhexe la toogtay, islamarkaana ay hadda xaaladda caadi kusoo laabatay.

Ismaaciil Mukhtaar, oo u hadlay Wasaaradda ayaa sheegay inuu jiro khasaarooyin kala duwan oo soo gaarey Ciidamada ilaalada Xabsiga Dhexe, balse ay dib kasoo sheegi doonaan

“Ciidamada Amniga ayaa toogtay 4 maxbuus oo isku dayay in ay ka baxsadaan Xabsiga, waxaa jiro dhimasho iyo dhaawac soogaaray ilaalada xabsiga, xaaladda Xabsiga hadda waa mid daggan, majiraan maxaabiis baxsatay,” ayuu yiri Afhayeenka.

Su’aallo ayaa la iska waydiinayaan sida xubno katirsan Al-Shabaab oo ku xiran xabsiga ugu suurta-gashay inay hub helaan, kadibna ay ka dhex dagaalamaan gudaha goobta ay ku xiran yihiin, oo aad loo ilaaliyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.