Khasaaraha Qarax ka dhacay Muqdisho

Qaraxa ayaa ahaa mid culus, wuxuuna dhacay xili subax ah oo mashquul badan ka jiray jidka.

Warar Keydmedia Online
Khasaaraha Qarax ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Qarax gaari oo saakay ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka, kaasoo lagu soo beegay xili dalka khilaaf siyaasadeed ka jira dalka.

Gaariga qaraxa loo adeegsaday ayaa ahaa NOAH oo uu wadey nin naftii hurre ahaa, kaasoo xoog uga gudbay barkoonatarool oo afaafka hotel Wehliye ku taalla, kadibna ku qarxay bar kaloo Isgoyska Sayidka ku taalla kadib markii Ciidamada rasaas ku fureen.

Khasaaraha dhimashadda waxaa la sheegay inuu yahay hal qof, oo ahaa ninkii wadey Gaariga, iyadoo ay ku dhaawaca 7 qof oo shacab ah, sida uu sheegay Booliska dowladda Soomaaliya.

War-Saxaafadeedka Booliska:

Saaka 13-Feb-2021 abaare 9:10 AM, gaari argagixisadu ku soo rartay walxaha Qarxa nuuciisuna ahaa NOAH 3 albaab ah, ayaa soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabbka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.

Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay.

Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.