Khilaafka Golaha degaanka Galmudug oo sii kordhaya

Khilaafka ka dhashay joojinta dhismaha Golaha Deegaanka Galmudug ayaa sii kordhaya iyadoo waraaqdii saddexaad lasoo saaray 

Warar Keydmedia Online
Khilaafka Golaha degaanka Galmudug oo sii kordhaya

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa muuqata khilaaf soo kordhaya oo udhaxeeya madaxda sare ee Galmudug iyadoo muran uu ka dhashay Joojintii Golaha Deegaanka ee uu madaxweyne Qoorqoor kasoo saaray wareegto lagu hakinayo dhismaha Golaha deegaanka shan degmo oo Galmudug ka tirsan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib uheshiisiinta Galmudug ayaa isna soo saaray warbixin uu uga hadlayo in la dhammeystiray golihii deegaanka ee degmada Balamballe.

Wareegto kale oo khilaafsan taas ayaa waxaa soo saaray wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.

Wasiir ku-xigeenka wuxuu soo saaray warqad caddeyneysa in la joojiyey dhismaha Golaha Deegaanka shan degmo oo kala ah,

1) Dhusamareb 
2) Cadaado 
3) Caabudwaaq
4) Hobyo
5) Balambal 

Halkan ka akhriso wareegtada cusub:

Madaxda Galmudug ugu saraysaa ay joojinta dhismaha golaha deegaanka u cuskaday in la galayo doorashooyinkii Faderaalka muddo sagaashan cishe ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.