Khilaaf hareeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug

Walaalka dhiigyacabkii (XAASHI AFWAYNE), Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ayaa wali wada qaska Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug.

Warar Keydmedia Online
Khilaaf hareeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Shaqooyinkii iyo nidaam howleedkii wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa istaagtay, kaddib is-qab-qabsi ka dhashay cidda ah kusimaha wasaaradda.

Cabdi Waayeel oo xilka wasaaradan laga qaaday, ayaa dhalisay muran xooggan oo u dhaxeeya wasiir ku xigeenka Qooje iyo wasiir dowlaha wasaaradda Axmed Dheere.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo is ku dayay in arrintan uu xaliyo ayaa u oggolaaday in wasiir ku xigeenka uu noqdo ku simaha wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, halka Axmed Dheere oo ah wasiir dowlaha wasaaradda uu ka hor yimid hadalkaa, wuxuuna tilmaamay in sida dastuurka iyo xeer hoosaadka golaha wasiirada, ay sharci tahay in uu isagu yahay kusimaha wasiirka.

Is qab-qabsigan ayaa keentay in ay hakad galaan howlihii wasaaradda, kaddib xilka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, wasiirkii wasaaraddan Cabdi Waayeel dabayaaqadii bishii May ee aynu soo dhaafnay.

Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ayaa si weyn ugu lug yeeshay khliaafaad isku dhacyo sababay oo ka dhashay dhisidda Golaha degaanka ee Balanbal, waxaana hore loogu eedeeyay inuu Farmaajo wakiil uga yahay qaska maamulka Galmudug.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.