Khilaafka Midowga Musharaxiinta oo bannaanka yimid

Khilaafka u dhaxeeya Golaha midowga musharaxiinta madaxweyne Soomaaliya 2021 ayaa bannaanka usoo baxay maalmihii u dambeeyay, iyadoo caawa guddoomiyaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed uu ka hadlay caawa.

Warar Keydmedia Online
Khilaafka Midowga Musharaxiinta oo bannaanka yimid

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu bartiisa gaarka ah ee Facebook kusoo qoray ku caddeeyay inay kalsooni buuxda ku qabaan dadaalada socda ee arrimaha doorashooyinka oo uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Aragtida ayaa ah mid ka dhan ah qoraalkii ku qornaa afka English-ka ee maalin ka hor ka soo baxay Midowga Musharaxiinta oo shakiga lagu geliyay dhex dhexaadnimada Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo durba qoraalkaas ku kala qeybsameen Musharaxiinta.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa caawa qoraal ku caddeeyay in uu kalsooni ku qabo doorkiisa dhexdhexaadineed ee RW Rooble, waxa uuna yiri:

"Waxaan rajeynayaa kulanka 20 -ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 -kii September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada doorashada.

Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in Ra'iisul Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah."

Khilaafka musharaxiinta ayaa markii hore ahaa sheeko la isla dhex marayo, haddase waxay u muuqataa in uu rumoobay qorshihii lagu kala jabin lahaa midowga musharaxiinta oo maalmahan dambe ay ka muuqatay habacsanaan, kaddib markii uu la wareegay howshii doorashada RW Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.