Kiiska Badda: Soomaaliya oo dalab 3 qodob ka kooban u gudbisay ICJ

Dacwaddda badda Soomaaliya waxay u dirtay xukun, waxaana la filayaa in xukunka uu ku soo baxo bilooyin. Maadama dooda iyo difaaca qareenada Soomaaliya ahayd mid aad u sareysa.

Warar Keydmedia Online
Kiiska Badda: Soomaaliya oo dalab 3 qodob ka kooban u gudbisay ICJ

HAGUE - Maxkamadda Caaalamiga ee Caddaaladda ee ICJ waxay shalay oo ay taariikhdu tahay 18/03/2021 u fadhiisatay dhagaysiga gabagabadda dacwadda Soomaaliya iyo Kenya u dhaxaysa.

Soomaaliya codsigeedii gabagabaynta waxay ku dalbatay.

1. In Maxkamaddu diido dalabaadka iyo codsiyadda Kenya ay gudbisay 2018 oo ahaa in xadaynta badda saldhig looga dhigo parralelle of latitude oo ah sida ay Kenya xariiqdinta u jeexatay lana aqbalo xadaynta Soomaaliya gudbisay.

2. In Maxkamadda xadayso dhul badeed iyo soohdinta badda Soomaaliya iyo Kenya ee badwaynta hindiya oo ay ku jirto qalfoof badeedka 200 NM loona xadeeyo si waafaqsan Xeerarka badda iyo kuwa Caalamiga ah.

3. In Maxkamadda go'aamiso islamarkaana caddayso dhulbadeedka la isku haysto uu xadgudub ku yahay waajibaadka Caalamiga ah ee Dowlad ahaan saaran iyo in Kenya mas'uul ka tahay si waafaqsan Xeerarka Caalamiga in ay ka bixiso magdhow, Soomaaliyana ku soo wareejiso dhamaan macluumaadka oo ay ku jirto sahminta ay ka samaysay goobaha ay Maxkamadda u xukunto ee hoos imaanaya Madax banaanida iyo gobanimadda dhulbadeedka Soomaaliya.

Dacwaddda badda Soomaaliya waxay u dirtay xukun, waxaana la filayaa in xukunka uu ku soo baxo bilooyin. Maadama dooda iyo difaaca qareenada Soomaaliya ahayd mid aad u sareysa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.