Kismaayo: Maleeshiyada Raas Kambooni oo Dadka Guryaha kala baxaya

Warar Keydmedia Online

Kismaayo (KON) - Maleeshiyada Kooxda uu wato Axmed Madoobe, Raas Kambooni ayaa Labo jibaaray Tacadiyadda ay u geysanayaan Shacabka aan hubaysanayn ee Reer Kismaayo.

Kismaayo: Maleeshiyada Raas Kambooni oo Dadka Guryaha kala baxaya

Maleeshiyada ayaa Shalay Galab billaabay in ay si qasab ah Boqolaal Qoys oo Dadka Barakacayaasha ah uga saaraan Guryihii ay ku noolaayeen ee ku yaalla Xaafado ay kamid yahay Xaafad loo qayaano (Aba-siibka), iyadoo Dadkaasi sidoo kale laga bur buriyay Alaabtoodii ay ku noolaayeen.

Xaafado kale oo Kismaayo kuu yaalla ayaa sidoo kale waxa ay Maleeshiyada Raas Kambooni Burburin kula dhaqaaqeen Guryahah Dad Shacabka ah, waxaan Dadka qofkii diida ay kula dhaqaaqayaan Jirdil & Xarig, sida ay Dad Joobjoogiyaal u sheegay KON.

"Waxaan ku noolaa Mudo ka 10 Sano Xaafadda Abasiibka ee Kismaayo, Shalay waxaa noo yimid Ciidamo wata Hub & Baabuur Dagaal oo ka socda Maamulka Jubba waxaana ay burburiyeen Gurigaygii, iyadoo aan lagu igu soo wargelin arintan," ayay tiri Hooyo kamid ah Barakacayaasha sida qasabka ah looga saarayo Kismaayo.

Dadka Shacabka ah ayaa sheegay inaysan lahayn Meel ay uga dacwoodaan Tacadiyada & Burburinta ay Maleeshiyada Raas Kambooni kula dhaqaaqeen, maadaama uu Axmed Madoobe Xoog ku haysto Magaalada oo Ciddii aan ku qabiil ahayn ka saarayo Magaalada ama uu dilayo.

Si kastaba, Tacadiga ay kula kacayaan Maleeshiyo Beeleedka Axmed Madoobe ayaan la ogeyn sababta ka danbaysa, balse Wararka aan helayo ayaa sheegaya in Madaxda Maamulka Kismaayo ku kala qeybsameen Dhibaatada lagu hayo Shacabka laga saarayo Xaafadahooda.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho