Koox Burcad South African ah oo dishay Wiil Soomaali ah

Koox hubeysan oo bur-cad South African ah ayaa waxay maanta ku dileen waddanka South Africa wiil ganacsade Soomaali ah.

Warar Keydmedia Online
Koox Burcad South African ah oo dishay Wiil Soomaali ah

CAPE TOWN, South Africa - Kooxo Burcad ah oo hubeysan ayaa waxay waddank Koonfur Afrika ku toogteen muwaadin Soomaaliyeed oo ku ganacsanayay waddankaas waxa ayna doonayeen inay dhac u geystaan ganacsigiisa.

Marxuumka oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi ayaa ku sugnaa Tuulada Khayelitsha oo katirsan Magaalada Cape Town ee caasimadda waddankaasi Koonfur Afrika.

Markii uu dhacay dilka kaddib oo ay doonayeen kooxdii weerarka soo qaadday in ay ka baxsadaan goobta ayaa waxaa dhacday in mid kamid ah Burcaddii dilka geystay isla goobta lagu toogto.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray halka uu dilka uu ka dhacay, waxa ayna wadaaan baaritaanno la xiriira sida ay wax u dhaceen, iyaga oo sidoo kale Goobta ka qaaday meydadka labada Ruux uu mid kamid ah yahay Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay.

Soomaalida ku ganacsata waddankaasi Koonfur Afrika ayaa inta badan waxay la kulmaan dil iyo dhac, iyadoo dowladda Koomfur Afrika aysan waxba ka qaban arrintaan oo soo noq-noqtay, muddo sanado ahna ka socotay guud ahaan waddankaasi Koonfur Afrika.

Dilka Marxuumkaan ayaa noqonaya kii 17aad ee ka dhacay dalka Koofur Afrika sanadkaan 2021. Todobo iyo toban ruux oo Soomaali ah ayaa lagu dilay sanadkaan kaliya. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].