Kooxaha Dowlada ka soo horjeeda"Dagaalka ha nagula taageero”

Muqdisho (Keydmedia) Xalay ilaa maanta ayaa masaajidda iyo Idaacadaha ku hadla codka xoogaga mucaaradka waxa laga dhageysanayay dalabaad ka imanaayay kooxahaasi oo lagu dalbanayo taageero dagaal.
Warar Keydmedia Online
Kooxaha Dowlada ka soo horjeeda

"Dadka waxaan ugu baaqeynaa in ay naga gacan siiyeen Dagaalka, qof walbana waa ku waajib in arintani uu gacan ka geesto" erayadaasi waxay ka mid ahaayeen kuwa ay ku dhawaaqayeen kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ee Masaajida iyo Idaacadaha ka hadlayay.

Dalabkan ka soo baxay kooxahan ayaa waxa uu muujinayaa in ay iminka si toos ugu soo jeedsan rabaan kooxahaasi Dagaalka Dowlada ay kula jiraan si toos ah in ay ugu qasbaan shacabka.

www.keydmedia.net




Warar 19 January 2022 16:49

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xil-gaarsiinta ee masuulka ka ah hirgalinta hannaanka doorashooyinka dadban, ayaa qeylo-dhaan ka muujiyay habka loo maamulay mid ka mid ah kuraasta Aqalka hoose ee taalla Puntland.