Egypt releases Somalia girl who killed driver for attempted rape
Idaacadaha lala wareegay ayaa waxa ay kala yihiin Hornafrik oo isticmaaleysay mowjada 99.9 iyo idaacada GBC oo ku shaqeyneysay 98.8 ah, ,
Idaacada Hornafrik ayaa hawada laga waayay maalinimadii jimcaha aheyd ee la soo dhaafay iyadoona la maleynayay in ay aheyd cilad farsamo laakiin xalay saq dhexe ayaa kooxaha dowlada ka soo horjeeda ee Bakaaro ka taliya waxa ay gabi ahaan la wareegeen qaab maamulka idaacadaasi.
Inkastoo idaacadahan ay ka mid ahaayeen kuwa u hogaansanaa amarada ka imaada kooxaha dowlada ka soo horjeeda ayaa hadana waxaan la ogeyn sababta rumaad ee ka danbeysay la wareegidooda.
Idaacada Hornafrik waxaa suurta gal ah in sababaha loola wareegay in ay tahay Axmed C/salaan oo xili ka mid ah wasiirada dowlada isla markaana ka mid ah dadka qeybta ka leh idaacada.
Talaabtan ma ahan tii ugu horeysay ee ay kula wareegaan kooxaha dowlada ka soo horjeeda Idaacad ayaa hadana idaacadaha iminka lala wareegay waxay ku biirayaan idaacadihii hore loola wareegay sida Somaliweyn, IQK, iyo Warsan
www.keydmedia.net
Add comment
Comments