Kooxda Shabaab oo Weerar ku qaaday Fariisimo Ciidamada TFG-da ay ku leeyihiin Gedo

Kismaayo (Keydmedia) - Wararka laga helaayo deegaano hoostago degmada Garbahaareey ee xarunta gobbolka Gedo ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaabku ay weerar xooggan ay ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada TFG-da iyo kuwa Kooxda Ahlu sunna ay ku leeyihiin halkaasi.
Warar Keydmedia Online
Kooxda Shabaab oo Weerar ku qaaday Fariisimo Ciidamada TFG-da ay ku leeyihiin Gedo

Dagaalkaan oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Tuulo Barwaaqo ee gobbolka Gedo ayaa waxaa soo waaday Maleeshiyaadka Shabaabka waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray xooggaga dagaalamay.

Ilaa hadda inta la ogyahay 10 qof oo isugu jira dhinacyada dagaalamaay ayaa ku dhintay inka badan 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay gobbolka gedo.

Wariye ku suggan Magaalada Garbahaareey ayaa Keydmedia u sheegay in dagaalka wali uu ka soconaayo duleedka Tuulada Tuulo-Barwaaqo, lamana oga sida xaalku uu ku dambeyn doono.

Dhinacyada dagaalamay wali faah faahin kama aysan bixinin dagaalkaan ka dhacay gobbolka Gedo.

Wixii Ku Soo Korhd Kala Soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.