Kulamo siyaasadeed oo ka socda magaaladda Muqdisho

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif waxay la kulmeen Guudlaawe iyo Qoor-Qoor oo Muqdisho u joogo arrimo la xiriira khilaafka doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Kulamo siyaasadeed oo ka socda magaaladda Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyniyeyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa Muqdisho kula kulmay Qoor-Qoor iyo Guudlaawe oo kala hadlay arrimo ku saabsan khilaafka doorashadda.

Guudlaawe iyo Qoor-Qoor oo Villa Somalia u adeegga ayaa waan-waan ka dhex wada Farmaajo iyo labadii Madaxweyne ee ka horeeyay oo hogaaminaya kacdoonka Musharixiinta mucaaradka ee ka socda Muqdisho.

Qoor-Qoor oo Sabtidii shalay Caasimadda soo gaarey ayaa horey u qabtay shirar heshiis lagu gaari waayay, waxaana hadda laga shaqeynayaan in markii 5aad ay kulmeen Madaxda Maamullada iyo Farmaajo si looga gudbo khilaafka daba dheeraaday.

Farmaajo ayaa horey u diiday heshiis, mana la filayo inuu ka tanaasulo qodobada uu ku dhegan yahay ee Gedo iyo gudiga doorashadda, ee mucaaradka dalbadeen in xubnaha NISA iyo shaqaalaha dowladda laga saaro.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.