Kulan baroordiiq ah oo loo sameeyay AUN Marxuum Galaal

Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool waddanka Mareykanka ayaa baroordiiq u sameeyay AUN Marxuum Galaal oo ku geeriyooday weerar ay Hotel Afrik kusoo qaadeen Al-Shabaab

Warar Keydmedia Online
Kulan baroordiiq ah oo loo sameeyay AUN Marxuum Galaal

MINNESOTA, USA - Kulan Balaaran oo ay isugu imaadeen jaaliyadda Soomaalida Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa waxa tacsi loo diray ehelada iyo qaraabada Alle ha u naxariistee, Marxuum Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka hadlay dad isugu jira mas'uuliyiin iyo dhallinyaro aqoon-yahanno ah kuwaasoo ku dheeraaday taariikhda AUN Marxuum Galaal, waxayna u duceeyeen in uu eebbe Janadiisa ka waraabiyo, qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

AUN Marxuumka ayaa ku geeriyooday weerar ka dhacay Hotel Afrik 31/Janaayo/2021. Marxuumka oo geeridiisa muran badan dhalisay ayaa lagu aasay maalin kaddib magaalada Guriceel ee ee gobolka Galgaduud, inkastoo aysan dowladdu usameyn aas-qaran AUN Marxuum Galaal oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya islamarkaana kamid ahaa dadka fara-ku tiriska ah ee ka qeyb galay dagaalladii Soomaaliya iy Itoobiye ee dhacay sanadihii 1964 -kii iyo 10977 -kii.

Marxuum Galaal intii uu noolaa wuxuu aad ugu dhiirri galin jiray maamullada kala duwan ee dalka in ay iska difaacaan una babac dhigaan cadawga umadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.