Amniga Gaalkacyo oo laga shirayo

Kulan looga hadlayo la dagallanka argagaxisada iyo sugidda amniga ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Warar Keydmedia Online
Amniga Gaalkacyo oo laga shirayo

GAALKACYO, Soomaaliya - Kulan looga hadlayo la dagaalanka argagixisada iyo sugida amniga ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland oo ay wehliyaan Saraakiisha laamaha amniga heer federaal iyo heer Dowlad goboleed.

Waxyaabaha sida weyn diiradda loogu saarayo ayaa waxaa ka mid ah xaaladaha Nabadgelyada iyo la dagaallanka kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Magaaladda Gaalkacyo oo ay ka taliyaan labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaa la daalaa dhacaysa amni xumo, waxaana inta badan waqooyiga iyo koonfurta magaaladaasi ka dhaca falal amni xumo ah oo ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

Kulankan looga hadlayo amniga iyo argagaxisada ee ka socda magaalada Gaalkacyo ayaa qorshihiisu yahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka amni darro ee ka jira magaaladaasi.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.