Kulan Xasaasi ah oo ka socda Kismaayo

Muqdisho (KON) - Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda hoose ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaasi kulan uga socdo maamulka Axmed Madoobe iyo wafdiga dowladda.
Warar Keydmedia Online
Kulan Xasaasi ah oo ka socda Kismaayo

Wafdiga dowladda oo ku sugan magaalada Kismaayo gudaheeda ayaa kulanka waxa ay la leeyihin Axmed Madoobe iyo Generaal Fartaag oo kamid ah maamulka Axmed Madoobe.

Kulanka oo ka socda Hoteelka Cas-caseey ee Kismaayo ayaa waxaa goobta kuwada sugan Wasiirada dowladda ka socda ee maalmahan ku xanibnaa garoonka Kismaayo iyo xildhibaanadii hore ee dowladda Kismaayo udirtay.

Kulanka ayaa ah mid al-baabada uxiran yihiin iyadoo asyan jirin faah-faahin dheeraad ah oo laga helayo,marka laga soo tago kulanka iminka ka socda Magaalada gudaheeda.

Isgaarsiinta magalaada Kismaayo ayaa hawada laga saaray iyadoo ay adag tahay in lala waco taleefoonka gacanta ee moobeelka.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho