Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Waa markii 3aad oo fashil ku yimaada kulanka Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iclaamiyay, iyadoo ay diideen ka qeybgalkiisa Jubaland iyo Puntland.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta la filayaa in Muqdisho uu ka furmo Shir uu Farmaajo dhawaan iclaamiyay oo isagu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedya dalka iyo duqa Muqdisho.
Villa Somalia ayaa ku dhawaaqday kulanka inuu furmayo 4ta bisha, oo Maanta kuu beegan waxaan muuqan ifafaallo muujinaya inuu qabsoomayo kulanka, maadaama aysan Muqdisho soo gaarin Axmed Madoobe iyo Deni.
Ujeedka kulanka ayaa ah in lagu dhameystiro dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Axmed Madoobe iyo Deni way diideen inay kasoo qeybgaleen Shirka, hadii aan lagu qabanaynin xarunta Xalane, maadaama aan la isku u halleyn karin amniga Villa Somalia, oo ay suurta-gal tahay inay dhibaato kala kulmaan Ciidanka ka amarqaata Farmaajo.
Soomaaliya ayaa taagan wado isgoys ah, iyadoo aan la ogeyn halka uu ku dhamaan doono khilaafka doorashadda oo marba marka kasii dambeysa sii xoogeysanaya, dalkuna uu ka lumiyo waqti kale oo dib u dhac ku keenaya guulihii la gaarey sanadihii dambe.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments