Kulankii Xalane oo soo dhammaaday

Xerada Xalane oo ay maamulaan Ciidamada AMISOM ayna daggan yihiin Beesha Caalamka ayaa waxaa ka dhacay kulan udhaxeeyay midowga musharaxiinta iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland

Warar Keydmedia Online
Kulankii Xalane oo soo dhammaaday

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa soo gabagaboobay kulan u dhaxeeyay midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 iyo madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, waxaana kulanka xaadir ku ahaa inta badan musharaxiinta miisaanka ku dhex leh doorashooyinka.

Midowga murashaxiinta ayaa sida la sheegay kulan miradhal ah la qaatay labada madaxweyne ee dawlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, waxayna ka wada hadaleen sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho loo simanyahay, la isla ogolyahay, si nabad ahna ku dhacda.

"Mowqifka ay labada madaxweyne ku dheelitirayaan miisaanka siyaasadeed wuxuu dalka ka badbaadiyey halis lagu damqin karo boogo aan weli bogsoonin" sidaa waxaa yiri hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamida ahaa musharaxiintii ugu cad-caddeed ee ka qeyb gashay kulanka.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa aad uga soo horjeeda labada garab oo siyaasad ahaan mucaarad ku ah madaxweyne Farmaajo, horay ayuu u burburay shir udhaxeeyay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, sidoo kale waxaa isna burburay oo la micno tiray kulan udhaxeeyay midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya iyo RW Xil gaarsiinta ah ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.