Kuwan wey Bukaan oo weligood ma bogsanaayaan - Aragtidda Dadweynaha

Aragtidda Dadweynaha | Suraya Samiir — Waxaan aad uga xumahay Ummadaan Soomaaliyeed ee uu Qabiilka Maskax tiray, Qalbi tiray, Indho tiray oo garan la' iney dhibaatadan dabadheeraatay ee Umaadda Soomaaliyeed ku habsaatay inuu Qabiil-Qayaalad sabab u yahay.
Warar Keydmedia Online
Kuwan wey Bukaan oo weligood ma bogsanaayaan - Aragtidda Dadweynaha

Aaway Caqligooda kuwa Sideetanka Qof oo Mudaaharaadayo maxay u xisaabtami la' yihiin. Qdayaasha waaweyn, Ceyr-kunoolayaashaa oo Tabeelayaalka soo qaatay ee ku dhawaaqaayo "down" Caqligi ma Goronyaa ka sabatay, Habartase farta dhexe kor u taagtageysa aaway Xishoodkii lagu yaqaanay Dumarka Suuban ee Soomaaliyeed.

Waa Hal Qoys oo weligoodba isku Urursan jiray Hallaga kaladaadinta iyo isku dirka Umadda. Waxaad tihiin kuwuu horay u sheegay AUN Abwaan Meecaad Miigane oo uu u dhiibay Hoobaladii Waaberi ee si fiican ha loo fahmo, kuwan weligood ma bogsanaayaan:

Da bay meeli bugtaa
Bugtaa, Bugtaa

Dad bay meeli bugtaa
Aan barannee

Noo kala baar oo
Bayaan u caddee?

Suraya Samiir