Lafta-Gareen oo billaabey fulinta qorshaha Farmaajo

Baydhabo waxaa lagu dooran doonaa Isniinta 5 kursi, oo kamid ah 8-da kursi ee Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo billaabey fulinta qorshaha Farmaajo

BAYDHABO, Soomaaliya - C/casiis Lafta-Gareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Maanta soo saarey liis Mushariixin gaaraya 10, kuwaasoo u taryami doono Isniinta shan Kursi oo kamid ah 8-da kurs ee maamulkiisa ka helay Aqalka Sare.

Sida ka muuqata liiska, wuxuu Lafta-Gareen ka reebay xubnaha Mucaaradka, oo ay kamid yihiin Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa Xoghayaha Xisbiga Xasan Sheekh ee UPD iyo Senetar Ilyaas Cali Xasan oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Sheekh Shariif ee Himilo.

Magacyada tartamayaasha Musharaxiinta Aqalka Sare ee kasoo galaya Koonfur Galbeed qeybtii ugu horeysay waxay noqdeen Nabad iyo Nolol, waana wax laga filayay Lafta-Gareen iyo madaxda kale ee ku xiran Villa Somalia.

Keydmedia Online ayaa soo qortay goor sii horeysay Warbixinta [Halkan ka akhri] muujinaysa sida Farmaajo uu faragelinta ugu hayo weli hanaanka doorashooyinka dalka, isagoo damacsan inuu soo saaro Xildhibaanno daacad u ah oo codeeyay Oct 10.

Lafta-Gareen wuxuu ahaa Wasiir katirsanaa dowladda Farmaajo, oo doorashadiisii dhiig uu ku daatey, isagoo kursiga looga xoogey siyaasiyiin badan, oo uu ku jiro Mukhtaar Roobow, oo weli ku jira Xabsi mudo saddex sano gudaha Muqdisho, isagoo aan dembi lagu soo oogin ama Maxkamad lasoo taagin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.