Lafta-Gareen oo ku biiray Madaxda Maamulada ee qulqulaysa Muqdisho

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta-Gareen ayaa maanta ka degay Muqdisho, isagoo ay wehliyaan wasiirro iyo mas'uuliyiin kale.

Warar Keydmedia Online
Lafta-Gareen oo ku biiray Madaxda Maamulada ee qulqulaysa Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo gaarey Muqdisho, waxaana soo dhawayntiisa saf u galay Garoonka Aadan Cadde Wasiirro iyo Xildhibaanno DF katirsan.

Lafta-Gareen ayaa sheegay in ujeedka uu Caafimadda u yimid ay tahay inuu gurmad bini'aadanimo u raadiyo shacabka ku dhaqan degaanada uu fatahaadda Wabiga Shabelle ka sameeyay, waxaana uu la kulmi doonaa Madaxda Dawladda iyo Hay'adaha gargaarka.

Waxaa horey Muqdisho ugu sugnaa Madaxda Galmudug iyo HirShabelle, kuwaasoo arrimaha siyaasadeed u yimid, iyagoo qeyb ka ah hadda dadka xusul-duubka ugu jiro xilka Ra'iisul Wasaaraha in loo magacaabo siyaasi degaankooda kasoo jeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 29 November 2020 23:38

"Dhaqankan lama filaanka ah ee aan loo baahnayn ee hoggaanka Soomaaliya waa wax u baahan in aan ka fekerno inta aanan ka hadlin. Waxaan si rasmi ah uga jawaabi doonnaa dariiqyada ku habboon dhawaan," ayuu yiri Macharia.